| | 249 views

Xiriirka kubadda Miiska oo  36 garsoore  tababar caalami ah Muqdisho ugu soo xiray+Sawirro

Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda Miiska  ayaa magaalada muqdisho  tabababar aqoon kororsi heer caalami  ah ugu soo xeray  36 garsoore   oo isugu jiray kuwii hore iyo kuwa hada kucusb  barashada  xirfada garsoorka, waxaana xafladda xeritaanka kasoo qeyb galay,  Wasaaradda dhalinyarda iyo Isboortiga,   Guddiga Fulinta Gos, madaxda xiriirada,    masuuliyiinta  Xiriirka kubada  Miiska,  qabiirka tababarka bixinayay iyo marti sharaf   isugu iiray  masuuliyiin iyo ciyaartooy hore.

Ugu horeyn waxaa  goobta ka hadlay  Guddoomiyaha Xiriirka soomaaliyeed ee Kubadda Miiska, Maxamed Xaaji Cali  waxuuna sheegay in qabashada koorsadan ay qeyb ka tahay  dadaalada  uu xiriirka ugu jiro horumarinta kubadda Miiska, waxuuna intaa kudaray in ay xiriirku qorsheynayo  tababaro dhanka  maamulka iyo macalimiinta iyo inuu dib dhis kusaeemyo garoonkii uu xiriirka horey u lahaa, waxuuna mahad celin usoo jeediyay macalinka reer Masar  Maxamed Refaat oo tababarka bixinayay iyo  ardayda ka  faa’iideysatay oo uu kula dardaarmay in aysan la jiifan  cilmigii la baray.

Khabiirka tababarka  bixinayay oo u dhashay dalka Masar  Maxamed Refaad Bassyouni  oo goobta ka hadlay ayaa sheegay  in xiriirka uu diyaariyay  Arday da’yar oo aqoontoodu wanaagsantahay si wanaagsan uga faa’iideystay  tababarkan.

Bassyouni ayaa dhanka kale sheegay in Soomaaliya aad uga wanaagsan tahay sidii ay ahady 2012  oo dalka tababar  kuqabtay,  isla markaana ay jiraan isbadalo wanaagsan, waxuuna intaa ku daray inuu diyaar u yahay inuu markale kusoo laabto si uu  tababaro kale ugu qabto.

Guddoomiye Ku xigeenka GOS   Ibraahim Shaamoow oo goobta ka  hadlay ayaa  soo dhaweeyay dadaalka mudada sanadka ka yar iyo holwlaha baaxada  leh uu qabtay  xiriirka, waxuuna kula dardaarmay in ay halkooda kasii wadaan guddiga   Olombikadana uu  garab taagan yahay markasta.

Ugu dambayn waxaa goobta ka hadlay oo seminaarka soo xeray  Wasiirka Wasaarada dhalinyarada iyo isboortiga Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye, waxayna   tiri “   waxaan bogaadinayaa  xiriirka kubada Miiska  oo horumar xowli ah ku talaabsanayo, sidoo kale waxaa i farxad gelinaya inaan arko sagaal  gabdhood ay koorsadan  ka qeyb qaatay taasoo ah arin aan horey u dhici jirin,” Wasaaradeydu waxay ay  xooga saari doonto  sidii ay door lixaad leh uga qaadan lahady horumarinta  isboortiga guud ahaan gaar ahaan kubadda Miiska.”

Gebogebadii waxaa halkaas shaahdooyin lagu gudoonsiiyay     36 garsoore ee  aqoonkororsidagn ka qeyb qaatay kuwaa imtixaano laga qaaday ku muteystay.

W/D: Xuseen Maxamed Hadaafow

Hadaafoow7@gmail.com



Taaj Expess