| | 267 views

Dowladda Kenya oo ka digtay weerar Shabaab ku soo qaadaan Magaalada Mandheera.

Ciidamada amaanka ee Dowladda Kenya ayaa sheegay inay ka cabsi qabaan in Al-Shabaab ay Weeraro ka geystaan Magaalada Mandheera ee gobalka W/Bari e dalka Kenya.
Kenya ayaa Shacabka ku nool Magaalada mandheera u sheegtay inay ka Feejignaadaan weerarada ay qorsheynayaan Al-Shabaab inay ka gaystaan Magaaladaas.


Cabsi Badan ayaa laga soo sheegayaa magaalo xeebeedyada dalka Kenya , kaasi ku aadan in Al-Shabaab ay sii balaariyaan Weeraradooda, maadaama Magaalada Mandheere ay ku badan yihiin dadka ka yimaada dalalka ka baxsan Kenya .
Dhanka kale magaalada Mandera ayaa waxay xuduud la leedahay Magaalada Baledxaawo ee Soomaaliya oo dhawaan Al-Shabaab ay ka geysteen weerar khasaaro badan dhaliyay oo lagu qaaday ciidamo ka Tirsan Jubbaland iyo Kenya, iyadoo hadda la soo sheegayo in magaalada Lamu ay ka baxeen dadka aan Kenya u dhalan, sababo la xariira Dhanka ammaankooda oo ay ka cabsi ka qabaan in Al-Shabaab ay Dhibaateeyaan Dadkaasi.



Taaj Expess