| | 222 views

Israa’iiliyiin lagu dilay weerar ka dhacay Daanta Galbeed

Saddex qof oo israa’iiliyiin ah ayaa waxa toogasho ku dilay nin falastiini ah oo hubeysan .

Toogashadan ayaa ka dhacday meel laga soo galo goob ay Daanta galbeed ka deggan yihiin dadka Yahuuda,sida ay sheegeen booliiska Israa’iil.

Ninka hubaysan ee toogashada fuliyay ayaa markii danbe toogasho lagu dilay.

Ilaa iyo imika lama oga heebta ninka gaystay weerarka ay ku dhinteen saddexda qof.

Ninka weerarka fuliyay ayaa yimid ilinka laga galo goobta lagu magacaabo Har Adar ka dibna wuxuu rasaas ku furay goobtaasi.

Weerarka ayaa waxaa ku dhaawacmay 4 qof oo qaba dhaawacyo halis ah.

Ilaa iyo imika ma aysan shaacin xukuumada Israa’iil magacyada dadka waxyeelada ka soo gaartay weerarka sida ay baahisay jariirada Jerusalem Post.

Weerarada loo adeegsado Gawaarida dadka la jiirsiiyo,Toorey iyo hubka ayaa ku sii badanayay goobaha ay deggan yihiin dadka Israa’iiliyiinta tan 2015.



Taaj Expess