| | 554 views

Wasaaradda Caafimaadka oo sheegtay in Dawooyin dhacay dalaka la soo geliyo.

Drs. Fowsiyo Abiikar Nuur oo ah Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si buuxda u cadaysay in daawooyin dhacay laga soo dajiyo dekadda Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaliya.

Wasiirada ayaa sheegtay in dawooyinka dhaca ee dalka la keeno ay mas’uulka yihiin Hay’adaha turkey-ga ee gacanta ku haya Dekadda Muqdisho.

“Waa mid aan la socono in dawooyinka dhacay la keeno Dekadda magaaladda Muqdisho, waxaa Dekadda gacanta ku haya hay’addo Turky-ga laga leeyahay,waxaa jira Pharmashiyaal lagu gudo daawooyin dhacay” ayay tiri Drs. Fowsiyo Abiikar Nuur oo ah Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Dhanka kale Wasiiradda waxay sheegtay in wasaaradooda shaqo ku leedahay Cuntooyinka iyo Daawooyinka laga soo dajiyo Dekaddda, waxayna sheegatay inay ka shaqayn doonaa sidii gacanta dowladda gacanta loogu soo celin lahaa Wax walba oo Dekadda ka soo daga.





Wareysi ku saabsan Xidhibaanada cusub ee Sweden Aaliyah Faduma iyo Mohamed Abdulkani

Dhageyso wareysi xiiso leh: Guushii xildhibaanada cusub ee Somali-Swedhishka ee golaha deegaanada