| | 475 views

Mustaf Dhuxulow oo dhulka la galay xildhibaanada mucaaradsan Dowladda

Wasiirkii hore ee Warfaafinta Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow ayaa uga digay Wasiiradii hore ee ka tirsanaa dowladdii hore inay dumiyaan dowladda hada jirta, isagoo ugu baaqay inay dulqaad yeeshaan.

Isagoo ka hadlayay fadhigii shalay ee Baarlamaanka ayaa sheegay Xildhibaanada mucaaradada wada ay leeyihiin dano gaar ah, isagoo xusay in aan loo baahneyn in bulshada la kiciyo.

“Wasiiradii hore waa inay is duraan Cirbad, si ay dulqaad u helaan, aniga 3 sano Wasiir ma soo noqon, cirbad ayaa is duray, si aan dulqaad u yeesho, wasiiradii horena waxaa u soo jeedinayaa inay dulqaad yeeshaan”ayuu yiri Mustaf Dhuxulow.

Xildhibaanka ayaa ka digay Xildhibaano wada dano gaar ah ay isku dayayaan inay shacabka kiciyaan dowladana la dumiyo.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada mucaaradsan dowladda ayaa lagu eedeeyay inay doonayaan inay arrinta Qalbi Dhagax uga faa’ideystaan danooyin gaar ah.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, xilli Xubnaha Baarlamaanka ay aad ugu kala aragti duwanaadeen arrinta la xiriirta Kiiskii Qalbi Dhagax, taasoo shalay Guddoonka Baarlamaanka uu u saaray Guddi.



Taaj Expess