| | 568 views

Prof Samatar oo ka carooday Go’aankii ay DFS ku wareejisay Qalbi-dhagax *Daawo*

Prof Axmed Ismacil Samatar oo kamid ah aqoonyahanada ay Soomaalidu leedahay gaar ahaan dhanka Somaliland ayaa si caro leh uga hadlay in Itoobiya loo gacan geliyo C/Kariim Sh Muuse Qalbi-dhagax.

Waxaa uu sheegay in arintan ay tahay mid aanan aheyn sharci Islaam ama sharci caalami ah laakiin ay madaxda dowlada Soomaaliya iibsadeen C/Kariim sida uu hadalka udhigay.

“Aniga waxaan leeyahay in nin Soomaali ah la dhiibo waa shaati ka weyn oo ay gashteen Farmaajo iyo Kheyre”ayuu yiri Axmed Samatar.

Dhanka kale, waxaa uu si dheer uga hadlay xaalada Soomaaliya gaar ahaan wadahadalkii Somaliland iyo Somaliland, Khaatmumo khilaafka ka jira, doorashada Somaliland iyo cida la filayo iney ku guuleysato.



Taaj Expess