| | 392 views

Falanqeynta Caalim: Mooshinka xildhibaanada ee maanta looga doodayaa arrinka siyaasadu ka danbayso

Falanqeyta Maalin Arbaco ah muxuu noqon: Mooshinka xildhibaanada ee maanta looga doodayaa arrinka siyaasadu ka danbayso.

Sidaan wada og nahay waxaa saaka xarunta baarlamaanka Somalia ka furmaaya kulanka Xildhibaanada oo uu ajandihiisu yahay kiiska Saraalka ONLF ee C/kariin Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax).

Sida shakiga siyaasadee ee lawada og yahay waxaa jira koox gaara oo wadata Fikir mooshin lagu Ridayo xukumada Raysal wasaare khayre. Iyadoo loo marayo mooshin been abuura.

Ajandaha kulanka maanta ayaa waxay Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka sheegeen in Qodobka maanta laga doodayo uu yahay
kiiska Saraalka ONLF ee C/kariin Sheekh Muuse Qabidhagax.

Sidaan warka ku helayo Dood adag ayaa ka dhex socota xarunta golaha baarlamaanka Soomaaliya, waxay aad uga doodayaan arrimaha ku saabsan Cabdikariim Sheekh Muuse oo hadda ku jira gacanta dawladda Itoobiya.

Si adag ayay uga doodayaan mudanayaashu go`aankii ay qaadatay Xukuumada Soomaaliya,

157 Xildhibaan ayaa soo xaadiray kulanka oo ah liiska Xildhibaanada lagu qoray buugga diiwaanka Xildhibaanada.

Xildhibaanada ayaa ah kuwo si aad ah ugu kala aragti duwan kiiska C/kariin Qalbi Dhagax oo ahaa mid labadii todobaad ee la soo dhaafay si aad ah u saameeyay howlihii hey’adaha dowladda.

Warar ku dhow dhow Baarlamaanka ayaa sheegaya in laga yaabo in marka Xildhibaanada dooda dhameeyaan in arrinta loo xil saaro Guddiga joogtada Golaha shacabka, halka warar kalena ay sheegayaan in kiiskan maanta lagu soo afjaro iyadoo cabsi laga qabo in Gacan ka hadal dhex maro xildhibaanada sidaan hore ugu naqiin marka mooshin yimaad xaasaai ah.

Waxaa jira in cadaadis ay wadaan Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Faderaalka ee Somalia oo si Talo ah ula kulmay Madaxweynaha Farmaajo inay una soo jeediyey

in uu ka hadlo madaxweynuhu Qadiyada Cabdikariin sheekh muuse (Qalbi Dhagax) iyadoo Khudbada madaxweynuhu Qaboojin karto khilaafka arinkan ee waqtigan socda.

Shacabka soomaaliyeed ayaa intooda badan ka xumaadeen arinka lagu sameeyey muwaadinka soomaaliga ah ee Cabdikariin Sheekh muuse Qalbidhagax mana ahay in loo gacan Galiyo Dawlad cadowku ah muwaadinkan .

sida xaqiiqdu tahay in mooshin laga keeno Raysal wasaare khayre maaha maslaxada shacabka soomaaliyeed iyo tan dalka iyo dadka in Dawlad la bur buriyo way fududahay ee in Hab dowladeed la dhiso wey adag tahay.

Xildhibaanada oo ku kala aragti duwan arrintan Qalbi Dhagax ayaa qaarkood qaba in kulanka maanta uu kasoo bixi doono natiijo isla markaana uusan fashil ku imaan doonin.

Xildhibaanada intooda badan ee jooga kulanka maanta ee barlamaanka ayaa Fikir ahaan Qaba
in xal loo raadiyo dooda muranka badan dhaliyeyee Mooshinka. lagu cararayo.

Arinkan ayaa ah in kulanku Wax wanaagsan ka soo bixi oo shacabku ku Farxaan iyadoo xukumada la tuurin.

Lana helo sidee ugu Fudud ee uu sharciga lagu keeni karaa kuwii ka danbeeyey dhibaatsda loogeys tay mudane Qabidhagax.

Xukuumadda u hogaamiyo Raysal wasaare khayre ayaa waxay dadaal badan ugu jiraa sidii arrintan xal looga gaari lahaa, isla markaana go’aankii ay gaartay loo aqbali lahaa,

Raysal wasaare khayre ayaa wuxuu usbuuca soocodda u dhoofayaa wadanka Maraykanka siduu u hogaamiyo waftiga Dawlada Faderaaöka soomaaliya u ma talaya
shirka Golaha Guud ee Qaramaha midoobay ee furmay bishan bilow geedi. Waxayna isku arkidoonaan Hogaamiyaasha Dawladaha IGAD intooda badan!

Qore Danjire maxamed caalim



Taaj Expess