| | 207 views

Sucuudiga oo fashiliyey weerar Argagixiso

Dowladda Sucuudiga ayaa ku dhawaaqday  in ay fashilisay Weerar kooxda Daacish ay doonaysay in ay ka geysato Magaalada Riyaad ee dalka Sucuudiga.

Ciidamada Ammaanka ayaa gacanta ku dhigay labo qof oo doonayay In ay isku qarxiyaan Wasaaradda Gaanshaadhigga dalkaasi oo xarunteeda ugu weyn ay ku taallo Magaalada Riyaad.

Mas’uul Sare oo ka tirsan ciidamada Nabad suggida dalkaasi ayaa laga soo xigtay in la qabtay labadaasi qof xilli ay doonayay in ay is qarixiyaan.

Xogtu waxa kale oo ay intaa ku dartay “waxa cadaatay in baaritaanadii hor dhaca ahaa ee la sameeyey lagu ogaaday in labada qof dhalashadoodu tahay Yemen iyo in sidoo kale lala qabtay laba qof oo kale oo Sucuudi ah welina baaritaan ku socdo”

Dowladda Sucuudiga ayaa ka mid ah dowladaha dagaalka kula jira Kooxda Daacish.



Taaj Expess