| | 790 views

Nuurradiin Faarax “Dalka Soomaaliya yaa iska leh?…”

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Sweden ayaa mar soo agaasintay shir looga hadlayey xaaladda Soomaaliya. Wasaaradda ayaa ka codsatay qoraa Nuurradiin Faarax inuu shirkaas ka jeediyo qudbad uu kaga hadlayo arrimaha Soomaaliya, maandaaba ay shirka wada iman doonaan dhammaan safiirada dowladdaha reer yurub ee Soomaaliya daneeya iyo kuwa Afrika sida Itoobiya ee safaaradaha ku leh Sweden.

Nuurradiin ayaa qubaddiisa wuxuu ciwaan uga dhigay dalka Soomaaliya yaa iska leh?

Wuxuu yiri Soomaalidu markeedi hore waxey ahayd reer guura, hadba meeshii roob ka da’o ayey u guuri jirtay nin walbana dhulka wuxuu ku lahaa intaas ay xoolihiisu daaqan, haddii berri meel kale roob ka da’ana, halkaas ayuu u guuri jiray. Iyadoo sidaas ah ayaa waxaa innoo yimid Gumeystihii, waxey yiraahdeen dhulka inagaa leh, waan dagaallanay waana inaga tageen, waxaa innoo xigay kaligi talis, wuxuu yiri dhulka anigaa leh, muddo ayuu nagu waday, waana tan sababtay markii Siyaad Barre baxay in Xarumuhii dowladda la moodo in Siyaad Barre lahaa, waalala diriray waxaa xigey qabiil oo qoloba meel oodatay, iyagoo leh qabiilka intaan leh (Maamul Gobolleed)

Waxaa yimid maxaakiimtii waxey yiraahdeen dhulkaan waxaa leh ilaahey. Haddana waxaa is haysta maxaakimtii oo leh dhulku waa carro ilaahey iyo qabiilkii oo leh intaan reerkeena ayaa daga. Si xal loo helana reer galbeedow waxaad maslaxddiisa dalkaas u daba farriisateen Itoobiya, oo boqolkiiba afartan dadkeedu qaawan yihiin, idinkoo taarikh, xaddaarad iyo ilbaxnimo gaamurtay sheeganaya, taasina waxey na tusineysa inaad naan daacad ka ahayn. Intaas markuu yiri ayuu Safiirki Itoobiya shirka ka baxay, isagoo ku qeylinaya waxaan waa cunsuri qoraa iyo aqoonyahanna maahan.

W/Q Maxamed Cali



Taaj Expess