| | 225 views

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo Gaaray Degaanadii lagu Dagaalamay ee G/Mudug

Wafdiga uu Hogaaminayay Madaxweyne ku xigeenka Maamul Goboleedka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi ayaa dadaalo Nabadeed ka wada Degaano ka tirsan Gobolka mudug halkaasi oo manta uu safar ku tagay Madaxweynaha,

Degaanada uu soo kormeeray wafdiga ayaa ka mid ah Degaanada ay ka jiraan Abaaraha iyo Colaadaha Dalka ka taagan waxa uuna warbixino ka dhageystay Shacabka ku nool Goobahaasi oo ay ku jiraan Odayaasha dhaqanka,

Madaxweyne ku xigeenka Maamul Goboleedka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi ayaa dadweynaha ugu baaqay in ay ilaaliyaan Nabad gelyada Bulshada Wada degan Gobolka Mudug,

Isaga oo ku booriyay Odayaal dhaqameedka Degaanada lagu dagaalamay inay Fuliyaan Heshiiska ay la galeen dhanka Maamulka ay Deriska yihiin ee Puntland kaasi oo ay ka mid yihiin Qodobada la saxiixay ee labada dhinac wada qaateen inay Xabada Joojiyaan.



Taaj Expess