| | 614 views

Haweeney Muslim ah oo Madaxweyne ka noqoneysa Mid ka mid ah dalalka caalamka ugu taajirsan

Haweeney muslimad ah ayaa madaxweyne loogu doortay dalka Singapore Markii ugu horreysay in ka badan 47-sanno.

Halimo Yaqub oo 62 jir oo kana soo jeeda Qowmiyadda Malaay ee looga tirada badan yahay dalkaasi ayaa si doorasho la’aan ugu guuleysatay xilkaasi ka dib, markii ay Guddiga Doorashadda sheegeen inuusan jirin Musharax kula loolamaya doorashadaasi oo la qorsheynayey inay shalay dhacdo.

Guusha Halimo Yaqub waxaa si rasmi ah loogu dhawaaqi doonaa berrito, mana aha qof ku cusub siyaasadda, waxayna xilka Afhayeenka Baarlamaanka ee dalka Singapore soo haysay in ka badan 3-sanno.

Waxayna noqon doontaa Madaxweynihii 9-aad ee uu yeesho dalkaasi iyo haweeneydii ugu horreysay ee qabata xilka Hoggaamiyaha dalkaasi.

Madaxweynihii hore ee dalkaasi, Tony Tan oo muddo 6 sanno hayey xilkaasi waxa uu xilli-hawleedkiisu dhamaaday bishii la soo dhaafay ee August 31-da.

Yuusuf Ishak ayaa ahaa Madaxweynihii ugu horreeyey ee dalkaas kaasoo xilkaasi hayey tan iyo intii uu ka geeriyooday sannadkii 1970-kiim wuxuuna ka soo jeeday qowmiyada laga tirade badan yahay ee Malaay.

Isbedelkan waxa uu oggolanayaa in Doorashadda Madaxweynaha uu kayd u ahaado Qowmiyadaha looga tirada badan yahay dalka Singapore.



Taaj Expess