| | 289 views

Cunaqabateyn Cusub oo lagu soo rogay dalka Kuuriyada Wuqooyi.

Kulan deg deg ah oo ay yeesheen Golaha amaanka ee Q.M. ayaa lagu go’aamiyay in cunaqabateyn Cusub la saaro Dalka Kuuriyada Wuqooyi oo Tijaabiyay Bam Nuclear.

Goluhu waxay sheegeen in cunaqabteyntaan ay saameyn doonto dhaqaalaha wadankaasi waxayna sheegeen inay jawaab u tahay tijaabadii 3-dii bishan ay ku sameysamay Gantaal Nuclear ah kaas oo walaac ku abuuray wadamada dariska.

Safiirka Mareykanka u fadhida Q.M.Nikki Haley ayaa sheegtay in Caalamka aysan waligeed aqbali doonin in waqooyiga Kuuriya ay isku hubeyso Bam Nuclear, Cunaqabateyntan ayaa hadii ay dhaqan gasho waxay Waqooyiga Kuuriya weyn doonta saddex meelood meel saliida ay dibadda u dhoofiso.



Taaj Expess