| | 364 views

Ciidamada Xasilinta oo gacanta ku dhigay Gaari hubeysan oo weeraro ka fuliyay Dharkeenley

Ciidamada Xasilinta Caasimada ayaa howl gal ay maanta ka sameeyeen degmada Dharkeenley waxay ku soo qabteen Gaari NOAH ah iyo raggii watay oo maalmihii la soo dhaafay falal isugu jira weeraro iyo toogasho ka geysan jiray degmadaas.

Gaarigan ayay wararku sheegayaan in saddex ruux lala soo qabtay, oo uu ku jiro darawalkii waday iyo labo nin oo kale oo iyana fulin jirtay toogashada.

Taliyaha Booliska degmada Dharkeenley Col. Maxamed Dahir ayaa sheegay in ciidamada ammaanka howl gal ay sameeyeen gacanta ku soo dhigeen gaarigan oo muddo ay ku daba jireen.

“Gaarigan oo ahaa nooca NOAH, muddo ayay ciidamada ku daba jireen, waana la baadigoobay, nasiib wanaag, maanta ayaa gacanta lagu soo dhigay, laamaha ammaanka ayaana baaritaan ku haya”ayuu yiri Taliyaha Saldhiga Booliska Dharkeenley.

Gaarigan ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay ka fuliyay degmada Dharkeenley, weeraro ka dhashay dhimasho iyo dhaawac oo lagu qaaday gaari uu lahaa Guddoomiye kuxigeenka Dharkeenley iyo gaari ay laheyd Wasiir ka tirsan Maamulka Galmudug.

Wararka qaar ayaa sheegaya in gaarigan laga soo saaray guri ku yaal degmada Dharkeenley, waxaana laga helay Taargooyinka baabuurta oo lagu fulin jiray weerarada.

Saraakiisha ammaanka ayaa sheegaya in gaarigan ay rumeysan yihiin inuu lahaa Sarkaal ka tirsan Booliska, kaasoo dhowaan lagu dilay deegaanka Garasbaaley, iyadoo kooxdii dilka geysatay ay gaarigan horay u qaateen, iyagoo u adeegsanayay weeraro.

Gaariga iyo ragga lala qabtay ayaa lagu wadaa in loo soo bandhigo saxaafada, waxaana socda baaritaano wali ciidamada ammaanka ka wadaan xaafado ka tirsan degmada Dharkeenley.



Taaj Expess