| | 1,405 views

Magaalada Muqdisho oo laga furay iskuulkii ugu horeeyay ee waxbarasho lacag la’aan bixiya (Daawo)

Magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Xamar Weyne ayaa maanta laga furay iskuulkii ugu horeeyay ee bixiya waxbarasho lacag la’aan ah.

Munaasabad lagu furayay iskuulka Macallim Jaamac oo ku yaala degmada Xamar Weyne ayaa waxaa ka soo qeyb galay madax ka tirsan Dowladda Federaalka, gobolka Banaadir iyo kan degmadaasi Xamar Weyne.

Guddoomiyaha degmada Xamar Weyne Cumar Shariif Maye ayaa uga mahad celiyay dowladda Federaalka iyo maamulka gobolka Banaadir hirgelinta iskuulka macallim jaamac oo uu sheegay in ardayda ay u tahay fursad muhiim u ah waxbarashadooda isla markaana lacag la’aan lagu dhiganayo.

Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay Agaasimaha Wasaaradda Waxbarashada Ismaaciil Yuusuf Cusmaan iyo Guddoomiye K/Xigeenka Gobolka Banaadir oo dhammaantood sheegay in la kordhinayo iskuulada sida bilaashka ah ay wax uga baranayaan ardayda Soomaaliyeed.



Taaj Expess