| | 991 views

Kabtan Ibraahim Shaash ” Arrinta Qalbi Dhagax inay dowladda ka aamusto qalad ayaan u arkaa..” Dhageyso

Waxaa maalmahan la halal hayey in C/ Xakiin Sheekh Muuse (Qalbi Dhagax) loo gacan geliyey dowladda Itoobiya, waxaa soo baxaayo in laga eedeynaayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya in qof Soomaali ah ay u gacan gelisay  dowladda Itoobiya, arrintaas oo jahwareer badan keenay ayna ummada Soomaalyeed ku eedaynayaa Dowladda Federaalka in ay ku dhiiratay in qof Soomaalyeed ay u gacan geliso cadowgiisa.

Arrintaas ayaan ka wareysanay Kabtan Shaash oo aad iyo aad ugu xun arrintaas lagu eedaynaayo dowladda Soomaaliya, Kabtan Shaash ayaa waxaa uu dowladda Soomaaliya ku eedaynaaya ka hadli la’aanta arinta Qalbi Dhagax, dowladda waxay lumisay taageerayaan badan, waxaana ay yeelaneysaa cadow farabadan, waxaan ka codsanayaa in dowladda ay ka haddo.

Hadii ay rabto in taageerada shacabka ay soo laabato waa in ay xallisaa oo ay sumcadooda dib u soo noqsataa sidaasi waxaa yiri Kabtan Ibraahim Shaash.



Taaj Expess