| | 381 views

Dhul Gariir ka dhacay Kuuriyada waqooyi

Dhul gariir ayaa laga dareemay Kuuriyada waqooyi,taasi oo dhalisay in la isla dhex maro war sheegaya in Kuuriya wuqooyi ay tijaabisay markii lixaad hubka Niyukleerka.

Khubaro Maraykan ah ayaa waxa ay sheegeen in gariir cabirkiisu yahay 6.3 ah cabirka dhul gariirda lagu qiyaaso laga dareemay wuqooyi bari dalkaasi.

Khubarada ayaa waxa ay intaa ku dareen in ay suuragal tahay in dhul gariirka uu ka dhashay qarax.

Goobta gariirka laga dareemay ayaa ah goobtii ay horay Kuuriyada waqooyi ugu samaysay tijaabada Niyukleerka.

Gariirkan laga dareemaya Kuuriyada waqooyi ayaa yimid saacado uun ka dib markii warbaahinta Kuuriyada waqooyi ay sheegtay in ay tijaabisay nooc ah bambaano hydrogen .

Kuuriyada waqooyi waxay sheegtay in bambaanadani ay xanbaari karaan gantaalada qaaradaha isaga talaaba.

Kuuriyada Koonfureed ayaa dhankeeda sheegtay in gariirkan laga dareemay degaanka Kilju oo ah goobta ay Kuuriyada wuqooyi ku tijaabiso Niyukleerka.

Madaxa ciidamada militariga Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegay in ay filayaan in Kuuriyada waqooyi ay tijaabisay hub Niyukleer ah.



Taaj Expess