| | 925 views

Al-Shabaab oo degmada Jilib ku soo bandhigay diyaarad drone ah + Sawirro

Ururka Al-Shabaab ayaa markii ugu horeysay soo bandhigay diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaano “Drone” fagaare ku yaala degmada Jilib ee gobolka Jubada Dhexe.

Dhoolatuska Milateri ee ururka Al-Shabaab soo bandhigay ayaa daawanayay boqolaal dadweyne ah oo iyagu halkaasi ku tukaday salaadda Ciidul Adxaa.

Fagaaraha ay dadweynaha isugu soo baxeen oo Al-Shabaab ugu magac dartay Aadan Xaashi Ceyrow oo isagu horay loogu dilay gobolka Mudug, ayaa waxaa halkaasi khudbado kala duwan ka jeediyay saraakiil iyo horjoogayaal ka tirsan xarakada Al-Shabaab.

Damaashaadka iyo fantasiyaha ciidul Adxaa waxaa ka qeyb qaadanayay caruur ay dhaleen maleeshiyaadka Al-Shabaab oo iyagu loogu soo labisay qaabkooda oo kale, kuwaasi oo heysta hub macmal ah oo kala duwan.

Ururka Al-Shabaab oo ka taliya degmada Jilib ee gobolka Jubadda dhexe ayaa faarujiyay inta badan gobolada dalka Soomaaliya, kaddib markii ciidamada huwanta ah ay kala kulmeen weeraro cir iyo dhul ah oo lagu jebiyay saldhigyadii ay horay ugu sugnaayeen.



Taaj Expess