| | 427 views

ONLF oo sheegtay in DF ay Itoobiya ku wareejisay Qalbi Dhagax

War qoraal ah oo ka soo baxay Jabhada ONLF ee ka dagaalanta ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa waxaa lagu sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay Itoobiya gacanta u gelisay mid ka mid ah saraakiishooda, kaasi oo lagu magacaabo C/ Xakiin Sheekh Muuse (Qalbi Dhagax).

ONLF ayaa sheegtay Sarkaalkan in Dowladda Soomaaliya ay si awood leh ugu wareejisay Dowladda Itoobiya, lana geeyay meel si bani’aadanimada ka baxsan Maxaabiista loo gula dhaqmo.

Waxay sheegtay ONLF in wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya ay isku dayeen iney ka hor istaagaan Dowladda Itoobiya ninkan in lagu wareejiyo, balse Madaxda Dowladda Dhexe ay arintaasi diideen.

Wargeyska Ethiopian Observer oo shalay warbixin ka qoray arinta C/ Xakiin Sheekh Muuse ayaa sheegay in ninkaasi gacanta u galay dowladda Itoobiya, waxaana Wargeysku tilmaamay in diyaarad Millateri looga soo qaaday Soomaaliya, islamarkaana la geeyey Qalbi garoonka diyaaradaha ee magaalada Bishoftu ee dalka Itoobiya.

Ethiopian Observer ayaa sidoo kale warbixintiisa ku sheegay Sarkaal C/ Xakiin Sheekh Muuse in Dowladda Itoobiya uu la dagaalamayay ilaa 1984-kii.

Ciidamada maamulka Galmudug ayaa 23-kii bishan waxa ay howlgal ku soo qabteen C/xakiin (Qalbi Dhagax), kadibna Ciidamada nabad sugidda Soomaaliya ayaa waxa ay keeneen magaalada Muqdisho, arrintaasi waxaa ka carooratay Galmudug.



Taaj Expess