| | 443 views

Wasiirka warfaafinta oo Holand kula kulmay madaxda IOM-Sawirro

Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska xukuumadda Soomaaliya mudane C/raxmaan Cumar Cismaan Eng. Yarsiisow oo booqasho ku jooga dalka Holand ayaa kulan la yeeshay madaxa hey’adda socdaalkan aduunka ee IOM.

Wasiir Yariisow, ayaa warbixin ka siiyay xaaladda dalka iyo horumarka socda. Sidoo kale mas’uuliyiinta IOM ayay ka wada hadleen howlaha ay ka wadaan wadanka.

Mudane C/raxmaan Yariisow, wasiirka warfaafinta dalka ayaa hey’adda IOM u sheegay in loo baahan yahay in mashaariicda dalka ay ka fulinayaan ku saleeyaan baahida dalka ka jirta iyo qorshaha horumarinta qaranka.

Hay’adda IOM oo dalka Soomaaliya ka fulisa mashaariic kala duwan ayaa la filayaa inay iminka fuliso ballanqaadyo ay u sameysay Wasiirka Warfaafinta Dowladda Soomaaliya oo markii ugu horeysay la kulmay madaxda sare ee hay’adaasi caalamiga ah.



Taaj Expess