| | 1,146 views

Madaxweyne Farmaajo: “Xitaa haddii aan xilkeyga ku weynayo waan u tanaasulayaa midnimada Soomaaliya”

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa markii ugu horeysay jeediyay farriin ku socota maamulka Somaliland, wuxuuna sheegay inuu isagu ka hor marinayo wax kasta sidii lagu gaari lahaa midnimada ummadda Soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo oo boqolaal shacab ah kula hadlayay xeebta Liido maalintii shalay ayaa sheegay in midnimada Soomaaliya ay tahay muqadas, sidaas darteedna loo baahan yahay sidii loo soo dumi lahaa Somaliland.

“Xitaa haddii aan xilkeyga ku weynayo waan u tanaasulayaa midnimada Soomaaliya” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo oo sheegay inuu isagu ka qeyb qaadanayo helitaanka midnimo Soomaaliyeed, wuxuuna hoosta ka xariiqay in madaxda iyo siyaasiyiinta looga baahan yahay ay wax kasta ka horumariyaan dib u heshiisiin dhab ah iyo midnimo dalka oo dhan ku baahda.

Hadalka Madaxweynaha ayaa ku soo beegmaya xilli dhowaan maamulka Somaliland uu magacaabay wakiilka Somaliland u qaabilsan wadahadalada Dowladda Soomaaliya oo dhowr goor oo hore uu ku yimid fashil iyo is fahmi waa soo kala dhex galay.



Taaj Expess