| | 519 views

Fallanqeyn: Maxey Diinta islaamka ka qabtaa in Banaanka lagu hayo Meydadka Dadkii lagu laayay Bariire & Siyaasada khalafsan

Subaxnimadii Jimacada ayaa 10 qof oo ahaa Dad Rayid ah lagu diley deegaanka Bariire ee gobolka Shabeelada Hoose, dadka la diley waxaa ku jirey caruur aad u yaryar. Meydka 10 qof ayaa la keeney magaalada Muqdisho, ehelada dadka la diley ayaa sheegaya in ciidamada Dowladda federaalka iyo kuwo ajnabi ah ay dadkan ku dileen beerahoodi.

Dadkaa dhintay ee shacabka ah ilahay ha u naxariisto waa dhibaato haysata shacabka Soomaaliyeed in la xasuuqo markasta waa in dawlada Faderaalka lagala shaqeeya sidii khaladkaa cidii sameysay loo heli lahaa Waa in siyaasiyiinta iyo Dadka wax Garadka ah Nabada ka shaqeeyaan.

Maalin Waliba waxaan Maqalnaa ama Daawanaa in Deegaano ka tirsan Gobolka Shabelada Hoose ay ka dhacaan , Dagaalo,Qarax, Dil, Ismiidaamin, AFduuub iyo wixii la mid ah Waa Gobal dagaalkiisu noocya badan yahay.

Gobalka shabeelada hoose waxaa ku yaala xarumo ciidan oo ay leeyihiin kooxda alshabaab iyo kuwa ka soo hor jeeda ee Amisom iyo ciidanka Dawlada Faderaalka.

Saan wada og nahay Deegaanka Bariire ayaa dhawaan laga qabsadey ururka al-Shabaab oo weli xoog ku leh gobolka Shabeelada Hoose balse waa in la taageeraa dowlada.

Waxaan Falanqeyn tayda kusoo Gabababeenayaa “Maxey Diinta islaamka ka qabtaa Meydadka Dadkii la Xasuuqay in banaanka lagu hayo iyo in shaqsiyaad ay siyaasadeeyaan”

Marka hore waxaan la yaabay sababta ay Culimada waaweyn ee Soomaaliyeed dhacdadaan kaga hadli waaweyn waxaana go’aan saday in aan culimada raadiyo si aan wax kaga su’aalo waxa ay diinta islaamka ka qabto dadkaan la laayay hadana meydkooda la diiday in la aaso.

Culimada ayaa iisheegay in mas’aladaan loo kala qaadayo ilaa sedax qeyb mida kowaad waa ay banaan tahay qofka mooryaanka ah ee isbaarada dhigta mar la dilo sedax maalin in meydkiisa banaanka lagu hayo iyadoo shacabka la tusayo si ay ugu waana qaataan.

Mida Labaad ayaa ah in meydka banaanka lagu hayn karo hadii ay jirto xaalad daruuri ah sida in loo baahan yahay in la baaro meydka jirkiisa.

Mida Sedaxaad ayaa ah in meydka banaanka lagu heyn karo hadii lala sugayo waalidka ama qofka ka mas’uulka ah si loo qanciyo una duugto balse Culimada waxaa ay ka diiriyeen in Meyd la siyaasadeeyo ama banaanka lagu hayo iyadoo aysan jirin Xaalad Daruuri ah.

Waxaan ku Talinayaa in loo hogaansamo amarka dowlada iyo Caqliga saliimka ah lana aaso meydadka dadkii la xasuuqay ee konteenarka lagu hayo maadaama wax walba ay cad yihiin lagana war sugo baaritaanka socda.


Qore DanjireMaxamed Caalim
Aqoon-yahan ka Faallooda Arimaha Somalia



Taaj Expess