| | 441 views

Ururka Samafalka & Gargaarka ee Ubax foundation oo hawlo muhiim u ah bulshadda ka fuliyay Muqdisho

Ururka samafalka iyo Gargaarka ee Ubax foundation oo Fadhigiisu yahay Dalka Sweden ayna ku bahoobeen Xubno ka tirsan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan halkaasi isla markaasna ka diiwaan gashan dalkasi Sweden ayaa waxaa uu maalmihii ugu dambeeyay ka fuliyay Qaar ka mid ah degmooyinka Gobolkaan banaadir Hawlo samafal iyo gargaar iskugu jira, kuwaasi oo loo sameeyay Tiro qoysas isugu jira naafo, danyar iyo kuwo ay abaaraha saameeyeen.

Ka dib markii ay magaaladda Mugdisho safar gaaban ku timid Madaxa Ururkaasi Marwo Maama Khadra Xuseen Calasoow isla markaasna ay booqatay Goobo muhiim ah oo lagu daryeelo Bulshadda Soomaaliyeed kuwooda Xanuunsan iyo kuwa dhibaateysan ayaa waxaa ay Booqatay Qaar aaka mid ah Cusbitaaladda ku yaalla magaaladda muqdisho, sida Cusbitaalka Digfeer, Banaadir iyo Qaar ka kid ah MCHda degmooyonka Gobolka Banaadir.

Marwo Khadra intii ay ku guda jirtay Booqashooyinkaasi waxay Cusbitaalka Banaadir kula kulantay dhacdo xanuun badan, taas oo aheeyd markii ay indhaheedu qabteen Haweney Dhibaateysan oo xanuunsan isla markaasi leh Uur Todoba Bilood ah taas oo ay ula muuqatay Marwo Khadra in ay tahay mid aanan I ndhaha laga qarsan akarin waxayna u fidisay gargaar deg deg ah oo lacageed, gaar ahaan kharashka dhalmada taas oo lagu guuleysday in ay kala hadasho maamulka Cusbitaalka gaar ahaan Drs Luul Muxumed Maxamed oo ah maamulaha cusbitaalka banaadnir qeybta Haweenka iyo caruurta.

Drs Luul oo xooga saartay sidii haweneydaasi uurka leh isla markaasna xanuunsan loo samatabixin lahaa waxaana lagu guuleystay in haweyneydaasi ay dhasho idim alla dartiis Canug meyd ah waxaana haweyneydaasi loo fidiyay gargaar dhaqaale iyo mid lacageed taas oo uu ururka Ubax foundation wax weeyn ka qabatay guud ahaan gurmadkaasi loo fidiyay haweeneydaasi, waxaana arintaasi ka mahadceliyay Masuulka Qoyskaasi oo lagu magacaabao Cali Cabdi Maxamed, isagoo aad iyo aad ugu farxay xaaladaasi uu soo maray qoskiisa iyo sida hagar laaanta ah ee loogu gurmaday, waxaana qoyskaasi uu ururka ubax foundation gargaarkaasi lacageed ka sokoow uu qoyskaasi gurigiisa ugu geeyay Raashin umul bax ah oo gaaraya moddo Labadda Bilood ah.

Dhinaca kale marwo Khadra intii ay ku guda jirtay hawlahaasi waxaa kaloo ay booqatay MCHka Deagmadda Boondheere ee gobolka banadir waxaana halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyay Maamulaha MCHkaasi Marwo Ruqiyo Maxamuud Afrax iyo guud ahaan shaqaalaha MCHkaasi iyadoo halkaasi kaga dhageysatay warbixin guud oo la xiriirtay wax qabadka MCHkaasi iyo sidoo kale xaaladda bukaanada lagu qaabilo halkaasi iyo dhibaatooyinka ka jira iyo baahiyahooda, sida qalabka wax lagu cabiro iyo kuwo lagu ogaado in uu jiro dhiig yari iyo cuduradda loo baahan ayahay in la baaro, waxaana warbixn dheer kadib soo baxday in uu MCHka u baahan yahay daawo lagu qabto hawlahaasi waxaana uu ururku ugu deeqay Gargaar daawo oo dhan markii la qiimeeyay $ 320 Doolar oo degdeg ah.

Munasabad balaaran oo lagu qabtay Xarunta MCHkaasi ayaa waxaa halkaasi daawadaa ku gudoonsiiyay Marwo Khadra Xuseen Calasoow madaxa Ururka Ubax foundation iyadoo ay munasabadasina ka soo qeyb galeen Masuuliyiin uu ka mid ahaa madaxa caafimaadka iyo barista cudurtadda ee MCHka Md Adan Cali Cabdi iyo guud ahaan maamulka MCHka degmada Boondheere waxana halkaasi leysku dhaafsaday hadalo la xiriray sidii bulshadda Soomaliyeed si hagar la,aan ah loogu adeegi lahaa iyadoo ururka Ubaxna uu qeyb lixaad leh ka qaadan doono wax alla iyo wixii awoodiisa ah.

Dhinaca kale marwo Khadra Madaxa ururka Ubax foundation intii ay ku guda jirtay booqashadeeda Muqdisho waxaa kaloo ay booqatay Laba dugsi Qur,aan oo kala ah Dugsiga barashadda Qur,aanka kariimka ah ee Imaamushaafci iyo kan Cumar Binu Khadaab oo ay macalimiin ka yihiin macalin Xasan Cali Gacal iyo Macalin Xuseen, iyadoo si weyn ugu kuur gashay xaalada waxabarasho ee dugsiyadaasi kuwaasi oo uu ururku maamulo ayna dhigtaan caruur u badan Agoon iyo kuwo aanan awoodin inay iska bioxiyaan kharashaadka waxbarashadda, waxaana halkaasi lagu Gudoonsiiyay hadiyo qaali ah oo iskugu jiray Kharash iyo hadiyado kale, waxayna kula dardaarantay macalinmiinta inay ka soo baxaan waajibaadka ka saaran caruurtaasi maadama loo fidiyay waxbarasho kharash la,aan ah, waxayna macalinmiinmtaasi balanqaadeen in ay gudan doonaan waajibaadka loo xilsaaray.

Sidoo kale marwo Khadra waxa ay Xaruntoodda ku booqatay qoysas kala duwan oo dhamaantood ahaa Curyaamiin kuwaasi oo uu ururku horay gargaar dhaqaale ugu fidin jiray waxayna qoysaskaasi u sheegtay in ururku uu waxba ka hagrandoonin wixii awoodiisa ah iyaguna ay ilaah ku shugriyaan curyaanimadda uu ilaah ka dhigay.

Madaxa ururka Ubax foundation marwo maamma Khadra oo ah booqashaddii labaad ee ay ku timaado Muqdisho waxay ugu soo gabagabowday sidii loogu talagalay.

Ururka Gargaarka iyo Samafalka ee ubax foundation oo xaruntiisu tahay Magalada Gothenburg ee dalkaasi Sweden waxaa lagala xiriirikaraa ciwaanadiisa oo ah sidaan:-

Email. khadra_63@hotmail.com
Contect: Telefoon. 0046704146376

Account No. 51671029577 ama 1236216766



Taaj Expess