| | 1,297 views

MUQDISHO WAA MAGAALO MUCJISO AH, MEEL WAA KA SHIDAN TAHAY, MEEL-NA WEY KA DHIMATEY!.

Isbadal, horumar iyo qurux aad loo jecleysan karo ayaa ka muuqda Magaalada Muqdisho, koritaan aad u balaaran ayay samaynaysaa, saacad walba horey ayay u sii dhaqaaqeysaa, xawli aad u dheereeya ayay ku socotaa, maalin yo habeen kasta wax cusub ayaa ku soo biirayo, shallay sidii aad ku ogeyd maanta uma taalo, ha ka tagin ayaa ku qabanysa haddii aad soo booqato goobaha ugu hodonsan ee Magaaladu ay ku faaneyso.

Hoteelo dhal-dhalaayo, Dhismooyin dhaa-dheer oo aad ku jah-wareereyso haddii aad kor u eegtid, Wadooyin laami ah oo dib loo habeeyay, Taallooyinkii astaanta u ahaa Muqdisho oo la soo nooleeyay, goobo ganacsi oo caalami ah, beero nasasho, jardiinooyin aad u bilicsan iyo horumar kale oo lixaad leh ayaa ku arkaysaa Caasimadda ummadda Soomaaliyeed.

Adeegyo caalami ah, bangiyo casri ah, gaadiidka raaxada noocyadii ugu dambeeyay, carwooyin aad kuu soo jiidanaya, kaalimo shidaal oo xili walba furan, baarar waa-weyn, goobo loo dalxiis tago, xeeb dabaalashadeeda lagu raaxeysto iyo garoomo isborti oo dhex joogooda aan laga xiisa dhaceyn ayaa laga helayaa Degmooyinka kala duwan ee Muqdisho, maqsuud ayaa laga wada yahay horumarka ay ku talaabsatay, waa u qalantaa Muqdisho inay ahaato Magaalo madaxda Soomaaliya marka loo eego sida ay uga hodonsan tahay Magaalooyinka kale ee Gobolada Wadanka.

Xarumaha shidan ee Muqdisho haddii aad farxad kala soo laabato waxaa murugo, niyad jab iyo cabsi kugu beeraya marka aad tagto qeybaha ay ka dhimatay Magaalada, guryo burbursan, Wasaarado Dawladeed oo af duleeela, Bangiyo laga guurey, wadooyin raf ah oo baaba’san, kaniisad aan dhiman isla markaana aan nooleyn, baallayaal ja-jabay, qashin buuro ka sameysan iyo arimo kale oo naftu aysan jecleysan Karin ayaa ku arkaysaa Xaafado ka tirsan isla Magaalada Muqdisho.

Wajigii Dagaalada Sokeeye ayaa kuu soo baxayo marka aaad tagto Xafadahaasi oo ku kala yaalo qeybo ka mid ah Degmooyinka Shingaani iyo Xamar weyne, goobahaasi ayaa dhaca meelihii ugu muhiimsanaa Magaalada, Maamulka G/Banaadir iyo madaxda Dawlada Dhexe ayaa waqti kasta ku dhex mushaaxa deeganadaasi baaba’san, aragti ahaan masuuliyiintaasi uma eka inay waqti xaadirkaan diyaar u yihiin sidii ay fool xumadaasi wax uga qaban lahaayeen.

La yaab ayay ku noqonaysaa ruuxii isaga talaaba labbada gedi {dhinac} ee Magaalada ay u qeybsan tahay, sawir waxaa kuu soo baxaya inay Muqdisho inay tahay Magaalo mucjiso ah, taasi oo u qeybsan meelo shidan oo qurux badan iyo meelo dhintay oo aan indhaha la siin Karin.

Waa nasiib daro Soddon sanno ku dhawaad inay bur-bursan yihiin goobahaasi, baahi weyn ayaa loo qabaa inay Magaaladu isku wada ekaato isla markaana ay yeelato qurux dhameys tiran, D/Hoose ee Muqdisho oo masuul ka ah maamulka Magaalada ayaa looga fadhiyaa inay la timaado isbadal iyo qorshe wax looga qaban karo goobahaasi hoos u dhigayo bilicdii ay Muqdisho lahaan laheyd.



Taaj Expess