| | 857 views

Theresa May oo ku dhawaaqday xilliga ay ka degayso Madaxtinimada dalka Ingiriiska

Theresa May waxay shaacisay inay xilkaasi ka degi doonto bisha August 30-da ee sannadka 2019-ka, oo ah isla xilliga uu u dhamaanayo Xilli-hawleedka Ra’isul-wasaarenimo.

Theresa May waxay doonaysaa inay labada sano ee soo socoto aragto dalka Britain oo si buuxda uga baxa Mucaahadada BREXIT ee ka bixitaanka EU-da, ka hor intaysan xilkaasi ku wareejinin Ra’isul-wasaaraha cusub ee Britain ee la soo dooranayo.

Mudadii ay xilka heysay Ra’iisal Wasaaraha Ingiriiska ayaa waxay ku guul darreysatay doorashadii dhowaan ka dhacday dalkaasi bacdamaa xisbigeeda looga guuleystay taasi oo ay uga baxsatay kaddib markii ay heshiis la gashay mid ka mid ah xisbiyada dalkaasi oo codadkii uu helay ugu buuxiyay xisbigeeda.

Dhinaca kale hadalka ka soo yeeray Ra’iisal Wasaare Theresa May ayaa ku soo beegmaya xilli dalka Ingiriiska ay soo wajaheen duruufo kala duwan oo ay ugu waaweyn yihiin ka bixitaan Britain ee Midowga Yurub, xakameynta weerarada argagixisada ay ka geysanayaan dalkaasi iyo arrimo kale.



Taaj Expess