| | 525 views

Ciidamada ammaanka oo ku guuleystay waxyeelo uu geysan lahaa gaari ku qarxay Muqdisho + Sawirro

Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa ayaa goor-dhaw ka dhacay agagaarka Hotel Mubaarak ee Muqdisho oo ku yaalla jidka Maka Al-mukarama oo ah midka ugu mashquulka badan Muqdisho.

Qaraxan ayaan geysan wax khasaare nafeed ah, iyadoo intii uusan dhicin qaraxan ay ciidamada dowladdu xireen agagaarka goobta uu qaraxaani ka dhacay oo baabuurkan miineysan lasii dhigay.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada dowladdu ay u diideen waddadaas inay maraan gaadiidka iyo shacabka, waxaana la xiray dhammaan goobihii halkaa ka dhawaa oo uu ku jiro hoteel ay daggan yihiin mas’uuliyiin ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale, Qaraxan oo aanay jirin cid sheegatay mas’uuliyadiisa ayaa wuxuu noqonayaa midkii ugu dambeeyay ee Muqdisho ka dhaca, inkastoo uusan waxyeello geysan, sida qaraxyadii ka horreeyay oo khasaarooyin kala duwan geytay.



Taaj Expess