| | 576 views

TOOS U DAAWO: Dalka Sweden waxaa hadda ka socda kulan looga hadlayo afka Soomaaliga

Magaalada Göteborg ee wadanka Sweden waxaa ka furmay kulankii ugu ballaarnaa ee looga hadlayo afka Soomaaliga, waxaana kulanka ka soo qeyb galay jaaliyada Soomaalida dalalka Yurub qaarkood, aqoonyahano iyo bulshada Soomaalida ku dhaqan dalkaasi Sweden.

Qaar ka mid ah ka qeyb galayaasha kulanka ayaa khudbado kala duwan ka jeedinaya kulankaasi, waxaana aqoonyahanada ka qeyb gelaya ka mid ah Prof. Cabdulqaadir Ruumi oo ka hadlay taariikhda afka Soomaaliga iyo heerarkii uu soo maray.

Prof. Ruumi ayaa sheegay in afka Soomaaliga ay ku hadlaan bulshada ku dhaqan dalalka geeska Afrika isla markaana horumarintiisa ay ka qeyb qaateen aqoonyahano Soomaaliyeed oo galay taariikhda kuwaasi oo iyagu isku raacay markii la soo bandhigay qoraallo kala duwan la isku raacay markii dambe in Soomaalida ay isticmaalaan farta Laatiinka.

Kulankaan waxaa soo qabanqaabiyay Prof. Cabdulqaadir Ruumi, Xuseen Cabdi Calasow maamulaha Shabakadda Somaliweyn, Ikraam Cali Kaar oo ka tirsan bahda Somaliweyn, Aadan Oor Oo ah gudoomiyaha somali och svarige vänskapsföreningen iyo aqoonyahano kale iyo Yoonis, Banafusa oo ka socda BSK, iyadoo ujeedada ugu weyn ee kulankaan ay tahay sidii sare loogu qaadi lahaa afka Soomaaliga.



Taaj Expess