| | 339 views

Shirka Hoggaamiyeyashii hore ee Afrika oo lasoo xiray

Magaalada Johannesburg ee dalka Koofur Afrika ayaa lagu soo gaba gabeeyay Kulanka Madasha Hoggaamiyeyaasha hore ee Qaaradda Africa oo labadii maalmood ee la soo dhaafay ka socday

Kulankaasi ayaa intiisa waxaa looga hadlaayay qodobo ay ka mid yihiin kaalinta Africa ay ka qaadan karto nabadeynta caalamka intiisa kale iyo sidoo kale dhalinyarada Qaarada Africa in loo diyaariyo mustaqbalka hoggaanka Qaarada waxna ay ka bartaan hogaamiyaashii hore.

Waxaa kulankaasi Soomaaliya uga qeyb galay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Kulanka ayaa waxaa sanad walba qabta Madaxweynahii hore ee dalka Tanzania iyo Madaxweynahii hore ee South Africa, waaana markii ugu horeysay oo kulankaan lagu qabto South Africa.



Taaj Expess