| | 316 views

Meydadka dadkii lagu laayay duqeyn ka dhacday Bariire oo Muqdisho la keenay

Magaalada Muqdisho waxaa maanta gelinkii dambe la keenay Meydadka ilaa 10 Qof oo shacab ahaa, kuwaasi oo xalay Ciidamada Mareykanka oo ay wehliyaan kuwa Dowladda Federaalka ay ku dileen beer ku taalla degaanka Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Meydadkan oo saxaafada loogu soo bandhigay isbitaal Madiina ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku jiray laba caruur ah.

Gaadiidka Ambalaasta deg dega ah ayaa Meydadkan looga soo daabulay degaanka Bariire oo ah halka uu xasuuqa ka dhacay, waxaa sidoo kale la soo bandhigay magacyada dadkan la laayay.

Bariire oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose ahna Tuulo yar oo ay degan yihiin dad beeraley ah ayaa waxaa ay sanadihii ugu dambeeyay saldhig weyn u aheyd ururka Al-Shabaab, balse dhowaan halkaasi waxaa la wareegay Ciidamada Dowladda.

Bishii September, ayay ahayd markii hawlgal aan laga fiirsan ay Ciidamada Mareykanka ka fuliyeen Degaanka Jeexdin ee Bariga Gobolka Mudug, iyagoo ku dilay askar ka tirsan Galmudug.



Taaj Expess