| | 255 views

Mareykanka oo qiray in uusan ku guuleysan karin dagaalka Afghanistan

Xoghayaha arrimaha dibadda ee dalka Mareykanka, Rex Tillerson ayaa qiray in Mareykanka uusan awoodin in uu ku guuleysto dagaalka ka socda dalka Afghanistan.

Mar uu shir jar’iid qabtay ayaa waxaa kale oo uu sheegay in Taliban sidoo kale aysan ku guuleysan doonin dagaalka Afghanistan, waxaana uu door biday wadahadal laga yeesho dagaalka ka socda dalkaasi.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee dalka Mareykanka, waxaa uu intaa ku daray in Pakistan ay dowr muhiim ah ka qaadan karto sidii miiska wadahadalka loo keeni lahaa Taliban.

Tillerson ayaa markale ku celiyay hadal horay uu u yiri madaxweyne Trump ee ahaa in xukuumada Pakistan ay gabaad siiso argagixisada.

Malintii isniinta, Madaxweyne Trump ayaa waxaa uu ku dhawaaqay qorshaha cusub ee Mareykanka ee ku aadan dalka Afghanistan, taasi oo laga yaabo inay qeybka tahay in ciidamo dheerad ah loo diro dalkaasi.

Dowlada Pakistan ayaa dhankeeda sheegtay inay dooneyso nabad ka aslaxdo dalka Afghanistan, ayna diyaar u tahay in caalamka ay kala shaqeso sidii meesha looga saari lahaa argagixisada.



Taaj Expess