| | 463 views

Muwaadin badbaadi dalkaaga iyo dadkaaga (Daawo)

Farshaxaniistaha caanka ah ee Amiin Caamir ayaa soo saaray muuqaalo Kartoon ah oo muujinaayo falalka qaraxyada ka dhaca dalka gudihiisa, wuxuuna farriin muhiim ah u diray dhammaanba muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo cid kasta ee aragta qarax la maleegayo tallaabada la gudboon.

Muuqaalkaan cusub ee Amin Caamir marka aad dhageysato wuxuu dib kuu xusuusinayaa dhibaatadii laga dhaxlay qaraxyada ka dhacaya dalka gudihiisa, isagoo waliba muwaadiniinta su’aalaya saameynta uu qof waliba ku yeeshay qaraxa.

Xaaladda nabadgelyo xumo ee xilligaan ka taagan dalka Soomaaliya waxaa qeyb weyn ku leh qaraxyada kala duwan sida miinooyinka lagu aaso dhulka, kuwa lagu xiro gawaarida iyo suumanka qarxa ee ay inta badan isku xiraan naftood haligayaasha Al-Shabaab.

Qof kasta oo muwaadin Soomaaliyeed ah waxaa xaqiiqo ah inuu saameyn ku yeeshay qaraxyada ay Shabaabka ka geystaan dalka gudihiisa isla markaana eheladooda iyo dad ay jeclaayeen ku waayay, waxaana runta biyo kama dhibcaanka ahi tahay in kumanaan qof oo isugu jira aqoonyahano, saraakiil, waxgarad, haween iyo caruur ay noloshooda ku waayeen, halka kuwo kalena ay cuuryaamiyeen.



Taaj Expess