| | 381 views

MASAR MAXAY MADAXWEYNE FARMAAJO KALA HADLI DOONTAA?

Dowlada Masar oo Soomaaliya ay kala dhaxeyso saaxibtinimo qota deer oo Dano siyaasadeed oo muhiim ah ka leh ayaa martiqaad u fidisay Madaxweyne Farmajo markii la doortay wuxuuna ka warwareegaayay muddo 6 bilood ah isagoo iska ilaalinaayay in Itoobiya u aragto inuu daneynaayo saaxibtinimada Måsar oo uu xulufo la noqon rabo cadowga Itoobiya ee Masar oo ay ka dhaxeyso colaad ku Aadan Biyaha Nile ka oo mudooyin ka sii kululaaneysay.

Xukuumadi hore ee Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre iyo Dowladihii ka horeeyey ayaa mar waliba difaac u ahaa Masar iyo ilaalinta Nile ka taas oo Itoobiya wali cabsi weyn ay ka qabto iney soo laabto.

Madaxweynaha Dowlada Soomaaliyeed waxaa loo soo dhaweeya si heer sare ah oo ay ka muuqato in Dano waa weyn laga leeyahay. waxaana Masar ay wakiil ka tahay 4 dal ee xulufada Sacuudiga iyadoo la hordhigi doono inuu xulufada uu kusoo biiro uuna badalo Mowqifkiisii hore ee Dhexdhexaadnimada Qadar u janjeerta,waana digniintii ugu danbeysay ee Madaxweyne Farmaajo la siiyo.

Madaxweyne Farmaajo waxaa hortaala laba daran mid dooro oo ah 1 inuu mowqifkiisiii hore inuu badali oo uu galo xerada xulufada Sacuudiga uuna lumiyo saaxibtinimada Qadar iyo Turkiga oo dhinac ah 2.inuu ku adkeysto k inuu kusii jiro Mowqifkiisii hore ee Dhexdhexaadnimada ahaa taas oo hadii uu raacana keeneyso in Sacuudiga iyo Imaaraatka ay sii xoojiyaan dagaalka ay ku hayaan Dowladan uu hogaamiye Farmajo ee loo Isticmaalayo Maamul- Goboleedyada danta Qaranka ku badashay Dollar iyo in loo dhiso Dekaddo.

Dhinacay kale Dowlada Masar waxay rabtaa iney ka gado in la soo celiyo saaxibtinimada hore iyo is-xulufeysigii hore ee ahaa in dalka Itoobiya meel looga soo wada jee sto iyadoo xilligan uu maraayo meel halis ah. Madaxweyne Farmaajo wuxuu wajahaaya qataro siyaasadeed oo u baahan aragti fog iyo biseyl siyaasadeed oo u baahan in dhinac waliba leeska fiiriyo si Aadan ugu dhicin qatarahaasi oo dhami iyadoo laga horumar inaa yo wax waliba maslaxada iyo danta Qaranka soomaaliyeed.

Nasiib daada kale ee jirta waxay tahay wafdiga Madaxweyne Farmaajo la socdo oo u badan Wasiiro iyo Xildhibaan aan wax xog ah ka haynin heshiisyaddii Masar iyo Soomaaliya waliba ay suurtagal tahay in si fudud xogta ay ku wada hadlaan labada dhinac u bixiyaan taas oo keeni karta Aafo siyaasadeed oo Soomaaliya u abuuri karta Colaad siyaasadeed oo kaga timaada Dalalka Khaliijka ee is haaya iyo Itoobiya labo daran mid dooro kii uu qaato iiyo sida uu Madaxweyne Farmaajo uga siraad Koro siyaasadahan iska soo horjeedo ee ay kala watan dalalkan daneeya arrimaha Soomaaliya. Ka qeyb qaado dooda Furan ee muhiim ka ah ee quseyneysa soomaaliya oo dhan.

Waxaa Diyaariyay: Amb Abdirahman Nur Diinaari



Taaj Expess