| | 518 views

Nin dhanka Ciyaaraha ka shaqeynayay oo caawa Muqdisho lagu dilay

Kooxo hubeysan ayaa Caawa xaafada Xabar Bile ee degmada Warta-Nabada waxa ay ku dileen nin dhanka Ciyaaraha ka Shaqeynayay.

Ninkaan ayaa waxaa lagu Magacaabi jiray Cismaan Jaamac Diraac,waxaana la sheegay in kooxaha hubeysan ay qeybta kore ee jirkiisa ay rasaas kaga dhufteen taas oo uu u geeriyooday.

Qof ka mid ah dadka deegaanka ayaa radio dalsan u sheegay in ninkaan uu ku magacaawnaa gudoomiyaha Guddiga Garsoorka ee xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed,islamarkaana kooxdii dishay ay baxsadeen.

Ciidamo ka tirsan Maamulka degmada warta-nabada ayaa goobta gaaray in kastoo aysan ku guuleysan in ay qabtaan dadkii ka dambeeyay dilkaas.



Taaj Expess