| | 2,288 views

Prof. Ruumi “Luqadda Af-Soomaaliga inuu dabargo’o ayuu halis ugu jiraa hadii aan…” Dhageyso

Professor Cabdulqaadir Ruumi Abuukar oo ka mid ah howl wadeenada Akademiyada Goboleedka Afka-Soomaaliga ayaa waxuu ka warbixiyey dhibaatooyinka soo food saari karta luqadda afka Soomaaliga hadii aan laga hortagen dhibaatooyinka jira, waxaa uu professorka uu sheegay warbixin ay soo saartay hay’adda unesco ee qaramada midoobay ayaa waxaa ay sheegeen in luqado gaarayo 3000 ay halis ugu jiraan in ay aduunka ka baaba’aan luqadahaas baaba’aya waxaa ku jiro luqadeena afka Soomaaliga.

Professorka oo ku baaqay in halista Ku soo socoto afka Soomaaliga in hadda wax laga qabto si looga hirtago dhibaatadaas, waxaa uu proffesorka uu hada bilaabay in uu hada uu wado in uu meelo farabadan uu kulamo ku qaban doono, hadda Waxaa uu booqasho uu ku imaan doonaa magaalada Gothenburg ee dalka Sweden bishan Agosto dhamaadkeeda si uu ugu hiiliyo horumarinta afka Soomaaliga.

Hal ku dhiga professorka oo aheed Uhiili afkaaga Hooyo ee Soomaaliga, anaguna hadii aanu nahay bahda somaliweyn radio waxaanu leenahay aan uwada hiilino afka soomaaliga.

Asagoo arintaas ka hadlaayo ka dhageyso halkan wareysiga oo ay noo daadihineyso wariye Ikram Cali Kaar.



Taaj Expess