| | 433 views

Muqdisho Murugo Joogto ah iyo Meyd Gaadhi-gacan Saaran

Maalmo kolkii ay uga hadhsanaayeen dhicitaankii dawladdii dhexe ee Soomaaliyeed 1990kii waxaa soo baxday hees tawaawac ah oo ay ku luuqeynayeen hobolada waaberi oo uu dhextaal u ahaa kana dhex muuqday abaawaankii Soomaaliyeed Cabdullaahi Qarshe (AUN).

Heestaasi waxay kamid ahayd ruwaayad tusmo iyo tusaaleyn wadatay oo hobolada waaberi kusoo bandhigayeen siday talada wadanku u wabax-taraartay, dhaanka ummaddana loogu raray meel aan ceel lahayn. Waxay abwaanadu tilmaamayeen waxa dhacay waxaa kale oo ay ka digayeen cidhibta xun ee ay yeelan karto sida xilligaas talada ummadda loo maqooradayay.

Heestan midhaha dhextaalka u ahaa waxay ahaayeen ”Maxaa Dambi layga galayeey……aah….Maxaa Dambi layga galayeey”. Abwaanka ayaa si hoose oo dareen ku gelinaysa ugu luuqeynaya erayadaas, adigoo maqlaya in erayadiisu aysan kasoo baxaynin afka baarkiisa qudha, ee uu sidii aar la ganay feedhaha kaga hiinraagayo. Waxaan shaki ku jirin qof walba oo ay ku hadhsantahay dareen Soomaalinimo inay qaman-dhaco iyo galiilyo qaadayso kolka uu dhageysto erayadaas, xusuustuna kula tegi hadii aad ahayd qof garanaya waxa gaba-warmay iyo guriga madhan ee maanta.

Abwaanka ayaa u muuqda inuu bixinayay sawirka maanta ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan magaaladii muqdisho ahayd haysta. Sidaa awgeed ayaynu odhan karnaa xamar ayaa maanta ku tiraabaysa eraydaas ka xoogga badan magliga xawda kaa jara. Waa dhab in maanta Xamar dambi laga galay. Waa dhab inay garnaqsi maanta la taagan tahay. waa dhab in Xamar nimaan geyin gole usoo fadhiistay. Waa dhab in gamaarey iyo gafane gollanka loo geliyay. Waa dhab Alleylahee in gocor xun iyo gujo-kumaale Ilaahay ku salliday Xamar. Su’aasha taagan ayaa ah meeye gabanadeedii iyo wixii gacal ay lahayd, mise xero-guul bay ahayd iyadaan garawsane?

Jawaabta su’aashaas waxaa iska leh intay u gardhiganayso, waxaase maanta lama huraan ah inaan cod dheer ku sheegno in lasoo gaadhay xilligii si dhab ah loo tilmaami lahaa gacanta madow ee Xamar u geysanaysa waxan oo gumaad iyo guryo ba’ay leh. Waxaa lama huraan ah inaan shaashka ka feydnaa shaydaan maroolaha iyo shisheeye u adeegaha ummadda dhex shaanbinaya. Waxaa iyaduna qumman inaan garwaaqsannaa in gacanta madow aysan ahayn oo qudha nimanka dhallinyarada ah. Waxaan maanta muran ku jirin in dhibaatada ugu weyn ay Xamar ku hayaan xoogag kale oo ilaashanaya danahooda gaarka ah iyagoo si dhab ah u og in haddii nabadda Xamar si qumman u hanaqaado ay baylahayso dantoodu.

Waxaa intaas dheer in Xamar-ta maanta ay ku tallaabsanayso horumar dhinaca qalfoofka ah (dhismayaasha, kaabayaasha dhaqaalaha iyo ganacsiga guud), ruuxdii oo ah dadkeediina ay sidii (1990-yadii) wali meydkoodu u saaran yahay gaadhi-gacankii.

Maxaa xal ah? Hooyo Soomaaliyeed ayaa laga hayaa murti odhanaysay ”Wallee ninkani gabadhayda kama dhali-waayine hagrashaa jirta” Midaa mid lamid ah ayaa haysata Muqdisho, taas oo macnaheedu yahay xal looma waayin dhiig-baxa Xamar-e’ xaqiraad ayaa jirta. Bal saddexdan qaybood milicso waxay u yihiin xamar iyo siday u hagradeen.

Dadweynaha Xamar:

Shacabka xamar waxaa galay cudur ah ”Maxaa iga galay kol haddii aan aniga la igu socon”. Taasi waxay suulisay xaqii daris dariskiisa kale ku lahaa. Waxayse maanka ka saareen inay yihiin saddexdii dibi ee libaaxu cunay kolba mid, illaa shacabku si dhab ah u garto in dabka dariskiisa uu kusoo hulaaqi doono xilli xilliyada kamid ah,ayna adkaan doonto in nabadda Xamar ay sal-dhigato. Bal ila dheeho abwaankii Soomaaliyeed Cabdullahi Macallin Dhoodaan (AUN) oo ina hogatusaaleynaya arintaas.

Haddii nacab walaalkaa qabtoo qaylo kaga yeedhsho
Qool weyn haddii lala dhacoo qaarta lagu boobo
Qablankiyo catowgiyo haddaad qawda sii maqasho
War quud raadso mooyee haddaad qamandhacoon weydo
Markii ay qudh-goyso ee dishee qawrac ugu jiiddo
Qormadii uu taagnaa hadday bawd qalaal noqoto
Qudhaadu kolkii ay soo hadhoo madiya oo qaawan
Qunyar buu awoodaa inuu qoorta kaa jaro’e

Odayaasha Beelaha Muqdisho:

Tan iyo maalintii loo hadhuub qaaday in lasoo yagleelo dawlad Soomaaliyeed waxaa dhinac socday madal ay lahaayeen odayaal yidhi waxaan matalnaa beelaha Muqdisho degaan ahaan kasoo jeeda. Odayaashaasi waxay geed walba oo Soomaali ku tashanaysay kaga tiraabayeen waa in meel la saaro meeqaamkii siyaasadeed ee Muqdisho. Waxaase ayaan-daro ah in maalin qudh ah aanan laga maqal madfaca joogtada ah iyo maydka gaadhi-gacanka saaran iyagoo ka hadlaya. Sidaa awgeed ayay tahay inay odayaashu aragti u celiyaan baadi-goobkooda. Magaalada meeqaanka aad u raadinaysaan waxaa ka horeeya inaad dadkii idiinku noolaan lahaa nabad u keentaan.

Dawladda Soomaaliyeed:

Waxay taagan tahay ”Hebeloow wax ma kuu sheegaa oo waxaad ogtahay makuu sheegaa”. Xamar waxay dawladda Soomaaliyeed uga fadhidaa dib-u-heshiisiin ka guda-ballaadhan waxa maanta la arkayo.
Murugo & Xanuun Baa Muwaadiniinti Ku Raagay, ee Muqdishooy maxaad Mudan?

Waxaa Diyaariyay:
Axmed Maxamed Xasan
Copenhagen – Denmark



Taaj Expess