| | 479 views

Shabaab oo soo bandhigay gaarigii ay ka dhaceen Madaxweynaha Kenya + Sawirro

Al Shabaab ayaa soo bandhigay gaari ay ka soo qafaasheen dalka Kenya maalmo ka hor, kaasi oo uu leeyahay Xisbiga Jubilee ee Madaxweynaha dalka Kenya uu ka tirsan yahay.

Gaarigaan oo uu ku xardhanaa astaanta calanka Jubilee, ayaa waxaa ku qornaa magaca Xildhibaan Mohamed Ibraahin Mohamed oo ka tirsan Kenya.

Shabaab ayaa sheegay gaarigaan inay ka soo dhaceen Kooxda Ololaha Madaxweynaha dalka Kenya, kadib markii ay wadada ugaleen, iminkana gaarigaan uu si toos ah gacanta ugu jiro Ururka Al Shabaab.

Warbaahinta Shabaabka ee soo bandhigtay gaarigaan ayaa soo saartay muuqaal ay ka hadlayaan Ajaanibta ka tirsan Shabaab ee Kenyattiga ah, kuwaasi oo fariin u diraya shacabka dalka Kenya.

“Walaalayaal kaca oo baraaruga oo soo haajira. Imaada oo arka sida ay gaaladu kaga cararayaan fagaarayaasha dagaalka sida uu Allaah Qur’aanka ku sheegay.” Sidaas waxaa oranaya mid ka mid ah dagaalyahanada ka soo muuqday Filimka.



Taaj Expess