| | 574 views

Dalka Faransiiska oo fadeexad weyn lugaha la galay

Dalka Fransiiska ayaa sanad kasta ka boobo lacag dhan 400 Bilyanl oo Euro dalalkii uu gumeysan jiray ee Qaadada Afrika.
Wargeys kasoo baxa dalka Jarmalka. ayaa daa bacay oo soo bandhigay Fadeexadan la xiriirta boobkan dalalkaasi lagu haayo Wargeyskaasi ayaa qoraalkasi ku bilaabay in Adoonsig dhaqaale uu muhiimad weyn u leeyahay dhaqalaha dalka asi Fransiska.

Fransiska hadii uu waayo dhaqaalahaasi waxuu qaadayaa talaabo kasto oo xoog iyo xeelad leh si uu usoo ceshto lacgta asi. Hadii Madaxweyne amo hoggaamiye ka tirsan dalalkii uu gumeysan jiray uu ka hor yimaado amo uu diido Fransi iska wuxuu ka tuuraayo xukunka.marka uu diido bixin ta dhaqaalahaasi waxaa laga xayiraa Isdhaafsiga lacagha qalaad, kadibna waxaa laga xayiri Bangiyadda Fransiska sidaasna waxaa ku xirmo Bangiyadda dalkaasi oo iyaga ku shaqeeya lacagta Franc CFA.

Wargeysku wuxuu tusaalaha usoo qaatay in Madaxweynihi ivory Coast ee Laura nt Gbagbo wuxuuna sheegay in markuu Madaxweyne Gbagbo markuu arintaas diiday ayaa laga hor keenay nin mucaarad ku ahaa ugu danbeyna Xukunka wey ka tureen.

Madaxweynihi hore ee Fransiska Jacques Chirac ayaa Fransiska uga digay iney waayaan Dhaqaalahaasi ay Afrika ka helaan. Sanad ihi 1950 iyo 1960 markii uu Fransiska go’aansaday inuu xurriyad siiyo dalalkii Afrikaanka ahaa wuxuu ka saxiixday heshiis la yiraa Pact för continuation of colonization oo ah sii soco-shade gumeysiga Fransiska kaasoo ku qasbaayo dalalkaasi Afrika ee xuroobay iney isticmaalaa Lacagta Franc si canshuur looga qaado lacagtaasi si dib loogu dhiso Dugsiyada Afka Fransiska lagu barto oo guud ahaan Dalalkaasi Afrika uu gumeysan jiray ay isku afgara an waxaan arkay arday ka wada timid dal kaliya oo afka ay isku afgartaan uu yahay Fransis.

Heshiiskaasi qoddob ka mid ah oo nambarkiisa yahay 14 wuxuu dalalkaasi Afrikaanka ahi ku qasbaayaa lacagta u taalaa Keydka Bangiga Frans (Bank De France) aanay isticmaal karin boqolkiiba 85 balse ay Isticmali karaan boqolkiiba 15 oo kaliya sidaasi aawgeedna wuxuu u baahan yahay inuu Fransiiska ka qaato deyn joogta ah oo dulsaar fara badan ku socdo.
Walaalayaal iyo saaxibada al maanta halkan aan ku jooji naa qeybta.

Diyaariye: Amb Abdirahman Nur Diinaari



Taaj Expess