| | 191 views

R/Wasaare Kheyre “Taliyeyaasha ciidamada waxaa la idinka rabaa inaad isku soo dhaweysaan ciidanka” (Dhageyso)

Ra’iisul wasaraha Xukumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo khudbada dheer u jeediyey sarakiiasha ciidanka ayaa taliyeyaasha ciidanka ku amray in looga bahanyahay in ay ka shaqeeyaan walaalaynta iyo wada shaqaynta ciidanka qalabka sida dhexdooda ah, ayna meel iska dhigaan wax kasta oo keeni kara kala qob qobnaan dhex marta ciidankeena.

Shirka oo ka dhacay xarunta tababbarka ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa waxa ka ka qayb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Soomaaliya Wasiiro ka tirsan Xukumadda, Taliyeyaasha iyo sarakiisha Ciidanka qalabka sida ee Dalka waxaana ahmiyad lagu saaray adkaynta iyo wada shaqaynta ciidanka qalabka sida si meesha looga saaro isku dhacyada yar ee mararka qaar dhexmara ciidamada.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneraal Cabdixakiin Daahir Saciid Saacid oo ku hadlayey Magaca Taliyeyaasha ciidanka qalabka sida ayaa shirka ka aqriyey qodabo lagu xoojinayo wada shaqaynta ciidanka qalabka sida ee Qaranka Soomaaliyeed.

“In ciidamada ay si mideysan u wada howlgalaan, oo ay si wada jir ah ugu dadaalaan howlgallada ka dalka oo dhan, gaar ahaan caasimadda, inay is xoshmeeyaan oo ay isxaqdhooraan, in ciidamada ay si daacad ah ugu wada adeegaan shacabka iyo in Ciidamad aysan kala duwan oo ay ogadaan inay yihiin ciidan qura oo ay dhowraan nidaamka ciidanka u degsan” ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Booliska.

Wasiirka Cadaladda ee xukumadda Soomaaliya Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji Xuseen ayaa sheegay si horumar laga gaaro ammaanka dalka ay muhiim u tahay dhaqalaha, isagoo ku booriyay inay ciidanka is xaqdhowraan.

“Madaxda ciidamada kow waa inaad ogaataan inaad hal magac wada leedihiin, oo aadan kala ahayn Nabad sugid, boolis iyo militeri, ogaada inaad tihiin ciidan Soomaaliyeed, inaad ka shaqeyneysaan Soomaalinimo, maadaama aad raadineysaan Soomaalinimo iyo inaad dalkaan xoreysaan, waxaana arrintaasi ku qaban kartaan inaad tihiin Soomaali, Taliyeyaasha halkan fadhida idinka ayaa la idinka rabaa inaad isku soo dhaweysaan ciidamada”. ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Ciidanka qalabka sida ayaa ah astaan lagu cabiro jirtaanka iyo sharafta dalka kasta oo caalamka ah , ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya waa kuwa lagu tilmaami jiray in ay yihiin libaaxyadda Afrika, waana rajada kaliya oo ay leeyihiin umadda Soomaaliyeed mar kasta oo ay dhibaato iyo cadow doonayaan in dhibaato gaarsiiyaan sharafta Umadda Soomaaliyeed taana waa mid ay gudan karan marka ay la yimadaan wada shaqayn dhexdooda ah.

 



Taaj Expess