| | 290 views

Meydadka Ciidamadii AMISOM Ee Lagu Laayay Sh. Hoose oo La Geeyay Kampala

Meydadka Ciidamo katirsan AMISOM gaar ahaan kuwa kasoo jeeda dalka Uganda oo lagu laayay axadii lasoo dhaafay sagaal ka dhacay gobolka Shabeelaha Hoose ayaa la geeyay magaalada Kampala ee Caasimada dalka Uganda.

Diyaarad nuuca xamuulka qaada ayaa magaalada Muqdisho ka qaaday meydadka 12-askari oo katirsanaa Ciidamada AMISOM kuwaa oo lagu dilay dagaal ka dhacay Duleedka Degmada Buulo Mareer ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Saraakiil katirsan Ciidanka Milatariga dalka Uganda ayaa meydadka askarta la laayay kusoo dhaweeyay garoonka Diyaaradaha Entebbe ee magaalada Kampala, waxaana la filayaa in askaran loo sameeyo aas qaran.

Al Shabaab ayaa sheegtay dagaalkii ka dhacay gobolka Shabeelaha Hoose maalintii Axada ay ku dileen 39-askari oo katirsanaa Ciidamada AMISOM, hasa ahaatee waxaa warkaasi beenisay Wasaarada Gaashaandhiga Uganda oo sheegtay in kaliya looga dilay dagaalkaasi 12-askari.



Taaj Expess