| | 438 views

MA JIRTO LACAG CUSUB OO LA SOO DAABACAYO!!

Qof kasta waa jecelyahay in uu ubad dhalo, laakin ma jecla Dhicis aan loo heeyn dhala lagu koriyo, lana hubo in uu saqiirayo marka lagu rafaado kadib.

A-Taariikhda Bangiga dhexe.

Taariikhda Bangiga dhexe ee somalidu waxa ay ka soo bilaabanee waqtigii maxmiyada UN aan galnay, United Nation’s Trusteeship Administration “A.F.I.S.” waxaa la asaasay hay’ad habeeysa lacagaha new currency institution regulator “Cassa per la circolazione monetaria della Somalia” 8dii April 1950 xarunteeduna aheed Rome (Italy). Kadibna 6dii April 1959kii ayaa xaruntii xamar loo soo wareejiyay.

Kadibna 30dii june 1960kii ayaa la asaasay Bangiga Qaranka Somalia “Somali National Bank”. Dekereeto number 3 oo ku dhaqan gashay sharci number 2 ee bishii January 1961.

Bangigu waa hay’ad dowliya oo ka madaxbanaan wasaaradaha dalka oo dhan,mana hoos tago, waxaase kala dhaxeeya wada shaqeeyn ( dadka qaar ayaa u maleeya in uu wasaarada maaliyada hoos tago).

Bangiga waxaa maamula (Board ) ka kooban illaa 5 qof iyo gudoomiyaha, xubnaha board-ku ma ahan shaqaale dowladeed , waxaa ka mamnuuc ah in ay dowlada u shaqeeyaan, ama hay’ad dowladu ku leedahay saami badan. Ma qaataan mushaar , marka ay shirka leeyihiin oo ah 2-3dii bilba mar ayaa la siiyaa guno maalmeed, ugu badnaan 3 cisho. Board-ku waxaa uu ka koobmaa sida sharcigu qabo xubno ah ganacsato magac iyo maamuus ku leh dalka iyo dhaqala yaqaano.

B-Dib u howlgalintii Bangiga.

Waqtigii Md. Cabdullahi yusuf uu madaxweeynaha ahaa ayaa la soo jeediyay in dib loo habeeyo bangigii dhexe waxaana xaruntiisu aheeyd “wakaaladii hargaha iyo saamaha”, inta laga habeeynayo xaruntiisii. Golihii wasiirada ee markaa jiray ayaa isku raacay 5 qof oo board ah kadibna waxaa ansixiyay barlamaankii. Waxaa la ii gartay in aan ka mid noqdo 5 tii Board-ka ee ka qayb qaadan laheed dib u unkida Bangiga .markaana waxaa gudoomiye bank ahaa Md. Bashiir ciise. Si tartiib tartiib ah ayuuna u soo dhismay bangigii xaruntiisii horena ugu soo guuray, xatta Silsiladii Bankugu caanka ku ahaa ee hor tiil ,waxaa dib looga soo iibiyay ganacsato u qaaday magaalada Mambada–kenya oo dib looga soo iibiyay loona soo dhoofiyay.

C- SOO jeedin sameeyn lacag cusub.

Waqtigii uu wasiirka maaliyada ahaa Md. Shariif xassan sh. Aadan ayaa dowladu go’aan ku gaartay in ay soo daabacdo lacag cusub, arrintaa lagalama tashan Boardkii bangiga ,waxaa heshiis lala galay shirkad Sudan ku taal in ay daabacdo shillin Somali cusub ,waxaana ku baxayay lacag dhan $ 70 million, oo aan la bixin. lacataa waa la daabacay welina weey taal. Board ka ayaa soo jeediyay in la joojiyo , wasaarada maaliyadu xaq uma laha in ay lacag daabacdu,waa awooda bangiga dhexe, tan kale wasaarada maaliyada berigaa waxaa u muuqday faa’iido dhan $80 million oo ay ka heli laheeyd hadii lacagtaa la keeno, laakin ma tixgalin in qooys kasta oo somaliya uu saameeynayo sicir barar dhan 3 jibaar kan markaa jiray, guri walibana ay khasab ku noqon doonto in uu kordhiyo biilkiisa 3 jibaar ama baahi iyo caga barar isku diyaariyo, waxaana sii raaci lahaa nabadgalya xumo. Taasi waxa ay keentay in Gudoomiyihii bangigu is casilo, kadibna boardkii ay is casileen waqtigoodiina dhamaaday.

Mar dambe ayaa hadana Bashiir loo soo magacaabay Gudoomiye bank. Iyo Board cusub, kan dambe waa la igu sharfay in aan mar kale xubin ka noqdo,laakin arrima ii gaar ah ayaan ii saamixin.

D- Sabata aan hadda lacag loo daabici karin.

Waxaa beryahan suuqa ku soo badatay lacag cusub ayaa dowladu daabacee. Taasi waa wax aan dhici Karin hadda ,waa fiican tahay waana waajib in dalku yeesho lacag u gaar ah. Laakin:

1-Marka lacag la daabacyo waa in aad gacanta ku heeysaa dhamaan deegaanda ay lacagtaasi ka soconeeyso.

2- Waa in aad u bedeshaa shacabka lacagtii hore ee magaca bangiga lagu soo daabacay, wixii ka haray baalweeyntii iyo lacagtii N da. Taasi waa waajib sharci ah, haddii kale lacag bangigu daabacay la qaanan maayo.

3- Lacagta falsaada ah ee dadweynaha gacantiisa gashay iyana in laga bedelo ayaa muhim ah, inta aad ka badelee waxaa suura gal ah in faalsa kale la sii daabaco, si lacagta cusub faraha bangiga looga bixiyo.

4- Haddii Somali land lala heshiiyo iyana waa in loo bedelaa lacagta ay isticmaalaan,taa oo culeeys uuna xamili Karin bangigu ku ah.

5- Maamul gobaleedyada qaar oo u fahamsan bangiga dhexe hay’ad lagu qaybi karo 4.5.damacsana in lacagta qayb laga siiyo si ay u socodsiiyaan oo mushaaraad ugu baxsadaan, mana dhici karto iska qaata in la yiraa.

6- Waqtigan si lacagtan cusub loo sameeyo waxaa lagu qiimeeyay $ 90 million in ay ku kaceeyso, 45-50 million daabacaad ,logistic, in la helo kayd Dollar ah oo lacagtan damaanad ahaan Bangigiu ugu dhigo, taana bangigu ma heeyst, inkastoo uu xoogaa dahab ah oo keyd ah ay dibada u tiil mar dhaw. Lacagtaa kharajka ahna lama hayo weli, iyo ayada oo bangigu Mogadishu oo kaliya uu ku leeyahay in ka badan 1000 Boos oo u badan dhul dhisan ama dayac tir u baahan, gobaladana uu ku heeyahay hati hore.

7 weli lama go’aamin “Currency Conversion rate” sida wax la isagu sarifi doono. Iyo qaybaha lacagta ee jajab hoosaadka.

8-weli waxaa dhiman in IMF ta loo bandhigo shirka dhici doono September 2017,lamana oga waxa ay dhihi doonaan iyo in mar kale in la hor dhigu deeq bixiyayaasha bisha oktobar,oo aan la ogeeyn shuruudaha ay keeni doonaan ,iyadoo qaar ka mid ahi ayba u arkaan in ay dib ku tahay dhaqaalaha somalida waqtigan.

E-xubna ka tirsan ha’adaha dowliga ah oo ay khuseeyso arrintan iyo masuuliyiinta Bangiga dhexe qaar aan ka arkay ayaa aaminsan in waqtigan ayna suura gal aheeyn in lacag la daabaco,taa oo keeni karta dhibaata dhaqaale tii ugu badneed . laakin waxaa jira Koox dalaalo ah oo ajaanib iyo somaliba u badan oo maqlay lacagaa la soo daabacaa ayaa buun buuniyay iyaga oo damac uga jiro in ay qandaraaska qayb ka helaan.

F- Soo jeedin.

1-Waxaa haboon in soo daabicida lala sugo waqtiga ku haboon,lana sii darsiyo ileey waa qasab in mar un la soo daabadee.

2- In hoowshaa loo dhaafo bangiga dhexe oo aan lagu saarin cadaadis siyaasadeed,kadibna na dhaxashiiso dhibaato dhaqaale oo aan muudo dheer laga soo kaban.

3-In lacata la daabici doono, qayb hoosaad sarif loo sameeyo oo la helo 5.10.20. 50.100 sh oo u dhigma 1 shilinba 1000 sh oo ah tan hadda.

4- In la xiro warshadaha hadda lacagta ku daabaca Saddax gobal,inkastoo masuuliyiinta gobalada qaar ay qayb ka yihiin soo daabicida lacagtaa iyaga oo dhaqaala doon qofeed ah.

5- In magaca shillin soomali lagu bedelo Dollar somaali ,ama magac cusub sida maandeeq, xuriyo ama magac kale si nafsiyan dadku u aqbalaan. Horeba waa u jireen lacago ay somalidu isticmaasho oo leh magacyo aan aheeyn shillin,sida Beeso Somali iyo kuwa kale.

FG: Waa aragti qofeed ,wixii iga khaldan waad sixi kartaa, waxna waad ku dari kartaa, aragtidaadu waa muhim, Mahadsanid

Qore: Yahya Amir



Taaj Expess