| | 345 views

Ra’iisal wasaare Khayre oo sheegay in hal dhinac looga soo wada jeesto dagaalka Al-Shabaab

Ra’iisul Wasaaraha Xukumada Federaalka ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa uga tacsiyadeeyey Qoysaska, Qaraabada iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed qaraxii shalay Al Shabaab ay ka geysteen wadada Makkah Al-mukarama ee magaalladda Muqdisho.

“Waxaan tacsi u dirayaa ehellada iyo qaraabada ay ka geeriyoodeen dadkii ku dhintay qaraxaasi, waxaan sidoo kale ALLAH uga baryayaa kuwa dhaawacmay inuu caafimaad deg-deg ah siiyo ” ayuu yiri R/W Khayre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in hal dhinac looga soo wada jeesto ficillada Argagixisadu ay la beegsanayaan shacabka aan waxba galabsan.

 

“Waa inaan meel uga soo wada jeesanaa Argagixisada liddiga ku ah jiritaanka iyo qaranimada ummadda Soomaaliyeed” ayuu raaciyey Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhimatay 15 kalena way ku dhaawacmeen qarax shalay ka dhacay magaalladda Muqdishu.

Mas’uuliyiinta amniga ee dawladda Soomaaliya ayaa xaqiijiyey in qof ismiidaamiye ahi uu waday baabuurka qarxay.

Baabuurkan ayaa la sheegay inuu ku ku socday waddada Maka Al-Mukarama xilli ay halkaasi ka jirtay saxmad oo ay baabuur badan sanka isku hayeen.

Ilaa hadda ma cadda meesha uu u socday baabuurkan ee uu bartilmaameedsan lahaa.

Qaraxa ayaa ka dhacay inta u dhaxaysa saldhigga boliska Waaberi iyo huteelka Maka Al-Mukarama.



Taaj Expess