| | 580 views

Majaajiliiste Oday Cabdulle oo farriin muhiim ah u diray fannaaniinta cusub

Majaajiliistaha caanka ah Oday Cabdulle ayaa markii ugu horeysay waxa uu ka hadlay qaladaadka fannaaniinta cusub oo uu sheegay inay jiraan qaladaad horseedi kara in fanka Soomaaliyeed uu faraha ka baxo.

Waxa uu sheegay heesaha cusub ee ay ku luqeynayaan fannaaniinta cusub qaarkood ay yihiin kuwo ka tegay anshaxa iyo asluubta, waayo buu yiri “Markii hore waxaa jiri jirtay anoo naaska gulucda leh faraheygu gaarin, balse hadda waxaa timid ku haay meeshaan la rabo oo ka sii daran”.

Majaajiliistaha ayaa kula taliyay fannaaniinta cusub inay hagaajiyaan murtidooda isla markaana meesha ay doonayaan ay maldahaan balse aanay sheegin ereyo ka baxsan anshaxa fannaaniinta Soomaaliyeed ay caanka ku yihiin.

Dhinaca kale farriinta Oday Cabdulle ayaa ku soo beegmeysa xilli inta badan heesaha cusub ee la soo saaro ay yihiin kuwo aan tayo lahayn iyo murti mug weyn, iyadoo fannaaniinta da’ yarta ah ee qaadayana ku yar tahay khibradda ay u leeyihiin marka ay heesaha ku luqeynayaan.



Taaj Expess