| | 389 views

Ha’yadda Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo xafiiska ka furatay Jowhar

Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Cali Guud laawe ayaa maanta oo Isniin ah magaalada Jowhar xariga kaga jaray xafiis cusub oo ay yeelan doonto Ha’yadda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya, waxaa ka qayb galay xariga jarka gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka , Xildhibaano, wasiiro ka tirsan Hirshabeelle iyo agaasimaha guud ee Ha’yadda.

Cali Guud laawe Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo xafiiska Ha’yadda uuna ku faraxsan yahay inay xafiis ka furato Hirshabeelle, wuxuu sidoo kale ku wareejiyey Agaasimaha Ha’yadda dhul ay ugu deeqeen.

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) ayaa uga mahadceliyey masuuliyiinta Hirshabeelle siday u soo dhaweeyeen Ha’yadda, isagoo u ballan qaaday in dhulka ay ugu deeqeen si dhakhso ah looga dhisi doono xarun ay leedahay Ha’yaddu.



Taaj Expess