| | 1,256 views

Daawo: Wiil Soomaali ah oo ka yimid Maraykanka oo shaah ku wareejiya Hargaysa

Xuseen Ibraahim Guuleed waa dhowr iyo labaatan jir Soomaali ah oo ka soo laabtay Dalka aduunka ugu awooda badan ee Maraykanka halkaasi uu mudo Qaxooti ku ahaa.

Xuseen ayaa ku nool Magaalada Hargeysa ee Xarunta Soomaali-land isagoo halkaasi ka bilaabay shaqo wanaagsan oo ay aad u hadal haayaan shacabka Soomaaliyeed.

Ninkaan dhalinyarka ah ayaa bilaabay in uu wareejiyo Shaah karsan si dadka ay ugu iibsadaan isagoona qof walba ugu geeyo goobteda shaqo ama Hoygeeda.

Hadaba waa kan Xuseen Ibraahim Guuleed oo ka mida dhalinyarada ka timid dalka Mareykanka oo Shaah ku iibiya magaalada Hargeysa, wuxuun ka sheekeynaya shaqada uu qaban jiray iyo sababta uu hada hawshaan ku doortay.

HALKAAN HOOSE KA DAAWO



Taaj Expess