| | 229 views

M/W Koonfurta Galbeed Shariif Xasan oo Ku Dhowaaqay Wasiiradiisa Cusub maanta

Xaflad goor dhaw ku soo dhamaatay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobalka Baay ayaa looga dhawaaqay Golaha Wasiirada Maamulka Koofur Galbeed oo loo balansanaa in la shaaciyo maanta.

Xildhibaano ka tirsan Koofur Galbeed ayaa Wardoon.net u xaqiijiyay in la shaaciyay Wasiirada Maamulkaasi waxaana dhamaantood la sheegay in ay yihiin wasiiradii hore marka laga reebo wasiir ku xigeenada iyo Wasiiru Dowlayaasha oo ay ku jiraan Wijiyo Cusub.

Tirada Wasiirada ayaa laga dhigay 24 Wasiir iyo 24 Wasiir ku xigeen iyo 9 Wasiiru Dowle iyadoo la filaayo in dhawaan Madaxweyne Shariif Xasan uu hor geeyo Baarlamaanka Maamulkaasi.

The Interim South West Administration (ISWA) President Sharif Hassan Sheikh Adan addresses guests during the Medal Award Ceremony in Baidoa , Somalia on March 28 2015. AMISOM Photo / Sabir Olad.



Taaj Expess