| | 234 views

Xiriirka Shataranjiga Soomaaliya oo doortay guddiyo kala duwan, baaqna u diray bahda waxbarashada

Guddiga fulinta xiriirka Shataranjiga Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho, wuxuuna shirkiisa ku doortay ilaa afar guddi oo ka shaqeya howlaha kala duwan ee xiriirka Shataranjiga Soomaaliya.

Dood dheer iyo falanqeyn kaddib xubnaha guddiga fulinta waxay doorteen xubnahaan hos ku qoran oo iyagu ah afar guddi:-

1.Guddiga anshaxa iyo abaal marinta guddoomiye Maxamed Sabriye Xasan
2.Guddiga waxbarashada iyo garsoorka Cabdalla Cabdalla Cali
3.Guddiga farsamada C/llaahi Xasan Cali (Kuusow)
4.Guddiga Saxaafadda Jabriil Maxamuud Nuur (Jabra).

Madaxweynaha Xiriirka Shataranjiga Soomaaliya Axmed Xasan Cabdi (Wataac) oo shir guddoominayay kulanka guddiga fulinta ee Xiriirkaasi ayaa sheegay in guddigyadaan howshoodu tahay sidii ay u dhaqaajin lahaayeen howlaha Xiriirka, gaar ahaan dhinacyada horumarinta, waxbarashada ciyaarta Shataranjiga, ilaalinta sharciga iyo sidii loo dardar gelin lahaa howlaha xiriirka.

Madaxweyne Wataac ayaa ku booriyay dalladaha waxbarashada, Wasaaradda Waxbarashada iyo guud ahaan bahda waxbarashada in ciyaarta Shataranjiga ay ku daraan curiculum-ka si buu yiri ardayda uga faa’iideystaan, taasi oo uu sheegay in had iyo goor ardayda ciyaara Chess-ka uu ka wanaagsan ardayga aan ciyaarin.



Taaj Expess