| | 874 views

Toos u daawo sanadguurada 60-aad ee ka socota xarunta Hida-dhowr ee magaalada Hargeysa

Munaasabad ballaaran oo lagu maamuusayo sanadguurada 60-aad ee idaacadda BBC-da laanteeda afka Soomaaliga ayaa haatan ka socota xarunta Hida-dhowr ee magaalada Hargeysa, waxaana munaasabadaasi ka soo qeyb galay aqoonyahano, madax ka tirsan idaacadda BBC-da iyo marti sharaf kala duwan oo lagu casuumay.

Dabaaldegga idaacadda BBC-da ee 60-guurada markii la asaasay ayaa lagu soo bandhigay barnaamijyadeeda, iyadoona sidoo kale ay ka soo qeyb galeen madax ka tirsan maamulka Somaliland oo uu ka mid yahay Madaxweyne K/Xigeenka C/raxmaan Seylici.



Taaj Expess