| | 542 views

Xildhibaano Wasiirka Maaliyadda hor dhigay su’aalo uu jawaab u waayay (Daawo)

Waxaa meel xasaasi ah maraya ansixinta miisaaniyadda Dowladda oo laga cabsi qabo in dib loogu celiyo Wasiirka Maaliyadda C/raxmaan Beyle, waxaana soo baxaya su’aalo uu Wasiirku u la’yahay jawaabo taasi oo ku saabsan arrimaha canshuurta ay dowladdu qaado, dhaqaalaha dowladda uga soo xarooda gobolka Banaadir oo lagu koobay miisaaniyadda iyo arrimo kale.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo khudbad ka jeedinayay fadhiga Baarlamaanka ayaa sheegay inaysan sharci ahayn in Dowladda ay canshuur ka ururiso gobolka Banaadir oo kaliya dhaqaalahaasina lagu saleeyo miisaaniyadda, iyadoo gobolada kale ee dalka aan wax canshuur ah laga qaadin.

“Miisaaniyadda aan soo dejisay dhaqaalaha ku tala galka ah ee soo xaroonaya waxay ku saleysan tahay wixii laga helo gobolka Banaadir oo kaliya, dalkii kale aaway canshuurtii laga qaadayay?” ayuu isweydiiyay xildhibaan Daahir Amiin Jeesow.

Dhinaca kale Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa ka dhawaajiyay in Wasaaradda Maaliyadda aanay gacanta ku heynin canshuurta dalka, iyagoo sheegay inuusan jirin isbedel muuqda oo ay dowladda federaalka sameysay.

Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo shir guddoominayay kalfadhiga su’aalaha lagu weydiinayay Wasiirka Maaliyadda C/raxmaan Beyle ayaa sheegay in miisaaniyadda lagu weeriyay guddiga dhaqaalaha Golaha Baarlamaanka isla markaana ay ka shaqeeyaan muddo laba toddobaad ah.



Archives

Taaj Expess