| | 586 views

Xildhibaan ku baaqay qorshe farxad gelineysa ciidamada (Dhageyso)

Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa ku baaqay in la kordhiyo Mushaarka Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed si loo xaqiijiyo Ammaanka Guud ee dalka Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in Shaqaalaha Rayidka ah oo aan waxba qaban ay qaataan Lacag aa u badan , islamarkaana Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee Shaqadda ku jira har iyo habeen in lasiiyo lacag aan ku filneyn 10 Bari.

Xildhibaan Xidig ayaa sheegay in ay muhiim tahay in la xaqiijiyo Ammaanka guud ee Soomaaliya, si taasi loo gaarana Wasaaradda Maaliyadda laga doonaayo in ay kordhiyaan Mushaarka ay qaataan Ciidamada.

Waxaa uu xusay in ciidamada ay qaataan 100 dollar taasi oo aan ku filneyn noolashooda.

Mas’uuliyiinta dowladda ayuu ugu baaqay in ay wax ka qabtaan dayaca ka muuqda Ciidamada.



Taaj Expess