| | 179 views

Sheeko, shekel!: Gaso, ganuun, Gasiin   Q. 50aad (L) Prof. Cali Jimcaale Axmed

Sheeko, sheeko!
Sheeka Xariir!

Waxa uu Shiil Kebed daaweynta carruurta ku hawlanaa muddo sagaal sano iyo seddax billod ah. Bishi  afaraad ayuu bilaabay in ow daweeyo dadka waaweyn. In kasta oo uu wax ka qabanjiray cuddurro ay ku jiraan kabuubiyowga iyo riixa iyo xanuunyo kaloo badan, haddana waxa ow inta badan taqasuskiisu ahaa yiridka cirridka gala ama ku dhaca. Waxa uu ka mid ahaa muddawiyiinti ugu horreeyey ee isku xira quudki salka u ahaa deggaanka iyo cudurka yiridka loo yaqaan. Sanad kadib markii uu bilaabay daweynta dadka waaweynna waa kii Shiil ka fariistay muddaweynti. Laakin saas kuma idlaan hawlihi ka socday daashki Shiil iyo Caanood.

Usbuuc kadib waxaa maydaanka ama goobta taakulaynta danyarti deeggaanka soo gashay Caanood oo la soo baxday xirfad aan hore loogu ogayn. Waxay noqotay qof aad ugu xeeldheer akhrinta aleesha ama bacoosha iyo sibbida. Reer Jabaq ayaa ku soo aaday milay uu Shiil Kebed noqday muddaawi hawlgab ah, laakin ay Caanood weli akhriso aleel iyo bacool ay xeebta Liido ka soo gurbiyeen ciyaal Faay Cali. Waxaa la sheegaa, anigu ma arag, waa igu maqal uun, in ay duub iyo dibbir waxgaradihi ku jireen kuwi saq dhexe daashkeeda iyaga oo cimmaamado hagoogan u soo dhuumanjiray. Shiil ayaa ugu horreeyey dadki ka yaabay mihnadda ay Caanood la soo baxday.

Reer Jabaq ayaa kaalmo weyn ka helijiray adeer Toob iyo adeer Shiil. Waase dad iyaguba toodu haysatay. Maalinti dambe, ayaa Toxob goostay in uu la tashado eedda Caanood. Waxay xaarin ama masaf ku haatisay, korna u tuurtay aleeshi ama angaleeshi. Inta ay soo rogmatay ayay gacanta la laashay aleel ka durugsanayd. Gadaal ayay qoorta u soo celisay. Haddana mar labaad iyo mar seddexaad ayay aleeshi xaarinki ku firdhisay. Mug kasta oo ay soo rogmato hummaagga foolkeeda ayaa is-beddelaayey. Ugu dambaynti inta ay moxogga togtay ayay sibirta tooxday. Qoorta ayay dhinaca bidix u dadbatay. Inta ay kor usoo qaadday darafta hoose ee baatigi tarraashnaa oo ay hagoogsanayd, ayay cod hinraag ama aadaar ama haar ama jibaad ah Toxob ku weydiisay, “Maandhow, noloshaadu wax halkudheg ah ma leedaahay?”

Toxob ayaa ku jawaabay: “Kuma garan, eeddo.”

Caanood ayaa tiri, “Aan tusaale ku siiyo. Halkudhigga noloshaydu waa shinni. Waa shaqo iyo malab. Marka tayda kuu sheegay e, adna taada ii sheeg.”

Toxob ayaa si fudud u yiri: “Kama fekirin.”

Waxay tiri, “Hawtulhamag noloshu kuma socoto, iskaba daa in ay ku dhisanto e.”

Waxaa Toxob maankiisa ku soo dhacay asii uu ka maagay in uu afka ku dhufto: “Xaad ka haysaa hawsha iyo malabka aad halkudhigga ka dhigatay. Xaad ka dhaxashay teer iyo marki aad mahaan soo degtay oo aan murugo iyo xanuun ahayn.” Haddana waxa uu gartay in wax kastaa oo maankaaga ku soo dhaca aan lagu luqayn karin ama aan lagu dhawaaqi karin. Hadal waxuu ammaan yahay inta ow uurkaaga ku jiro “Hadal waxuu ammaan yahay inta aadan oranine afka hadduu ka soo baxo adi uma arrimiside”. Waa guul aan yarayn in aad la maagto oraah rabta in ay carrabka soo diriqsato dibaddana fud u soo tiraa. Dheh. Ha dhihin.

Isaga oo weli islatallankii ku jira, ayay islaanti tiri: “Waxaan kugu la talinlahaa in aad meeshaan ka guurtaan sida ugu dhaqsiyaha badan.”

Toxob ayaa ka soo dhexgalay oo yiri, “Idinku xaad meel dhaanta uga raadsan weydeen mineey muhu saad uga dayrayso ay tahay?”

Inta ay qososhay ayay tiri, “Waa su’aal meesha ku habboon, asii aad sidi ku habbooneed aadan u weydiin. Waxaan meeshaan niil muddo ka badan inta aad adduunka ku nooleed. Kaawadu waxay naga gashay dhiigga iyo dhuuxa. Saas oo ay tahay, haddana waxaa meesha nagu haayey in aan lammadayna oo keliya aan meesha ku joognay. Adigase waxaad mas’uul ka tahay isuma-qaddo. Xil aan yarayn ayaa ku saaran. Teeda kale, maandhow, beledkaan, waxaa uu leeyahay astaamo lagu yaqaan…”

Toxob ayaa yiri, “Astaamihiisa waxba igama gelin. Maanaa ka liita odayo aan dhowaan ku soo arkay meel fiddow lagu qabay?”

Caanood ayaa tiri: “Maandhow, waa runtaa, oo waa qof iyo nasiibkeeda. Midaanse ku leeyahay. Beledkaan iyo nasiibka aad ka dhawaajayso waa bah wadaag. Labaduba in la iska ilaaliyo ayayse u baahanyihiin. Feejignow oo dhiifoonow ayaan ku leeyahay. Waxa ay dadkeedu yiraahdaan waa keento, koolkooliso, kobciso, kibriso, kufiso. Nasiibkuna waa saas oo kale. Biti iyo biiqnimana dun yar oo xalleefa ayaa isku xirta. Adeerkaa Shiilse ow u haysto in ay kala hayso. Waxaan adeer Toob ka maqlay usuga oo leh, ‘nasiibku waxa uu leeyahay gacmo dhaadheer oo dhulka gaara. Waxaa kale ow leeyahay hal il oo kugta uga taala. Waxay gacmuhu soo qaadaan ruux orodkiisu muuqdo, oo ay koolkooliyaan, kor u xambaaraan, ilaa ay isha dhakada ku taalla ay aragto in qofku uusan ahayn kay rabtay, muggaas ayay  dhulka ku soo riddaa. Xarashowmurush, xaad ii dhiibatay ayuu noqdaa.’”

Toxob ayaa yiri, “Anigu hee kuma fahmine, intaad ula socotaa sheekada?”

Caanood ayaa tiri: “Maandhow, aashaa, xassildarro waa laga dayrshay. Degdegi door ma dhasho, waa tii la yiri. Aanse kuu sheego waxaan uga golleeyahay waxa aad istiri waa mururuq aan milgo lahayn. Haddaad soo dhacayso waxaa roon in aad kufto. Hadalkaan ku irina dhug u yeelo. Bil Sabbuux yeey kobtaan idiin kugu dhalan. Khayr ayaan kuu rejeeyey, Khidmana kaama rabo ee orod oo reerkaaga u miciin.”

Toxob ayaa derinti ka istaagay. Isaga oon wax hadal ah afkiisa ka soo bixin ayuu waabti banaanka ka yimid. Sagaal bilood kadibna, Shiil iyo Caanood ayaa xijaabtay. Waxaa u dhexeeyey geeridooda toddobo maalmood oo keliya. Waxaase oday Toob iyo akhyaarti kale oo kaawada degganayd ka yaabeen marki ay fureen kolaygi labadi cutti ee xijaabtay doqoshkooda dhexyiil. Waxay ka yaabeen maalki laga soo dhexsaaray qandigi. Waxaa lagu heshiiyey in horta iyaga laga duugo, fiddowna looga sameeyo. Waa duul wax meel dhigtay. Xisaablaawe xoolihiisa lagama duugo. Intaa marki laga sameeyay qalinki qandiga ku jiray ayaa wixi soo haray loo qaybiyey dadki kaawada degganaa. Waxaa Toxob iyo reerkiisi ka soo gaaray dhaxashi labadi cutti lacag door ama kobbo ah. Waxa Toob kula taliyey Toxob in uu meel kale ilmaha u raro, kana guuro kaawada. Toxob ayaa ka biyodiiday taladi adeerkiis. Waxa uu yiri, “Eedda Caanood, naxariisti Janno Eebe ha siiyee, ayaa wax hadalkaagan u eg iila timid, waana ka diiday.”

Toob ayaaa yiri, “Maandhow, hadalkaygu waa talo, wixi aad ka yeeli lahaydna adigeey ku jirtaa. Waxaan isleeyahay Caanood hadalkeediina waxa ow uun ahaa nasteexo wanaag doon ah. Talose adaa ku nool ee iida kugu ma noola. Sideeduna talo waa fikir qofu leeyahay, ee ma ahan wax looxul maxfuud ku qoran. Marka igaarkeeyow sidi ay adiga kula tahay uun yeel. Wixi aad ku tashataanna, wax khayr qaba Eebe ha idiin kaga dhigo.”

Toxob ayaa gartay in adeer Toob codkiisa laga dareemi karey waxoogaa qoonsimaad ah. Inta ow garabka ka salaaxay ayuu yiri, “Adeerkeeyow, kama weyni taladaada, waana ogahay oo Macallin Xasan ayaan ku ahay wixi wanaag ah oo aad reer Toxob u qabatay. Waxaan la soo koobi karin wixi adiga iyo labadi reerka wax ka xijaabta u dambeeyey aad naga soo marteen. Waxaanse goorba noqday sidi  mukulaashi la sheegijiray oo meeshi ay macaanka ku baratay macluusha ugu bakhtiday. Mugga hee, raalli noqo, waana ballan in aan reerka intooda kale kala arrinsado taladaad ii soo jeedisay.”

Toob ayaan juuq dambe u celin. Inta uu madaxa u salaaxay ayuu doqoshkiisi dib ugu noqday. Waxaad arkaysay in Toob ay ka daba timid duqnimo aan yarayn. Waxa uu hawshi Kaawada ka dhaxlay dhabarjab iyo haar ka gashay sambabada. Marka uu qufaco waxaa hiiqdiisi laga maqlijiray meel fog. Waxaan hadda soo xasuustay shaqaalihi ka hawl gelijiray goobti sigaarka lagu samaynjiray ee xaafaddii Moonoboolyo ku tiil. Marmar ayaan waxaan raacijiray wiil aan qaraabonahay oo uu aabahiis meesha ka shaqaynjiray. Waxaa shaqaalaha la siinjiray caano lo’aad oo dhaay ah. Berigaas sida aan hadda wax u ognahay uma ogayn. Yaab ka yaabkiisa, ma waadan islahayn maamulki wershaddu waa ogaayeen in tubaakadu sun tahay, marba hadday garteen in caano la siiyo shaqaalihi safka hore kaga jiray samaynta sigaarka? Dhinaca kale, waxaad isleedahay waxay kun jeer dhaameen ama ka fiicnaayeen kuwi kaawooyinka lahaa.”

Qorihi ayaa ka soo dhexgalay oo yiri, “Aw Sheekoole, xasuustu yay kula tegin. Ogoobeey, safar ayaa igu jira, waxaana isleeyahay Gaso ha kaa dhammaato intaa wixi ka horreeya….”

Kii sheekada sheegaayey ayaa yiri, “Aw qorow, adigu marmar afkaad iska furataa. Yaa ku yiri sheekadu waxa ay ku xirantahay muraadkaad marba yeelato. Goorta ay dhammaanayso socdaalkaagu ma xukumo.

Qorihi ayaa ka soo dhexgalay oo yiri, “Adigu ma falantahay mise waa lagugu soo jiraa? In aan sheekada majaraha u hayno waxaa ka marqaati ah sida aan u xirfadayno sheekada dhexmarta xubnaha sheekada ku jira. Haddaanaan anaga xukumin, ma waxay kula tahay in sheekadoodu saa u qormilahayd? Bal dhegayso dad jidka ama meelo kaleetaba ku sheekeysaaya. Hadalkooda waxaa ka buuxa wax aan jaan la qabto lahayn. Ishu waxay akhrisaa oo ay macno ka day’daa waxa horteeda yaalla oo keliya. Qoraalku waxa uu xakameeyaa qaabka ay wax u qoranyihiin oo ah qaab turxaanbixiya, milgona u yeela tiraab dhexmaray laba qof oo wada hadlaysa.“

Kii sheekada sheegayey ayaa yiri, “Waa tahaye, aan sheekadi dib ugu noqono.”

Waxaa isa soo taraayey oday Toob itaaldarradiisa, waxa aad arkaysay usuga oo baakoor ku luudaaya. Wax yar kadib marki uu doqoshkii dib u galay ayuu qaylo bannaanka ka maqlay. Inta uu soo haabtay baakoorti ayuu doqoshki dibedda uga soo baxay. Waxa uu maqlay qaylo iyo oohin ka soo baxaysa gurigi reer Toxob. Inta uu soo luuday ayuu illinka hore ee doqoshkoodi yimid. Hadal aad u jilicsan ayuu ku yiri, “Qaraabooy, xaa dhacay oo reerka saacaddaan ooyinta iyo ololka ku kiciyey?”

Toxob ayaa aafka hore ee doqoshki soo istaagay. Inta uu afka kala furtay ayuu yiri, “Adeer Toobow, masiibaa dhacday! Jabaq ayaa qaarka dambe qaadi la’. Minaan taladiina dhegaysto …”

Toob ayaa yiri, “Maandhow, ukaadi oo wax aan isku xirmayn ha isku xirin. Aaway igaarki?”

Oday Toob ayaa kor istaagay Jabaq oo dhulka yaalla. Inta bissinka qabsaday ayuu bilaabay in uu Yaasinka hoos u akhriyo. Waxyar kadibna, waaa tii naftu ka boodday xuurki reer Toxob ugu roonaa. Casirki dambe ayaa Jabaq lagu aasay meel Kaawada aan ka fogayn. Waxaa Toxob bilaabay in uu isciilkaambiyo. “Minaan saa yeelo… minaan ka guuro muggi la i yiri ka guur.” Waa adduunyo iyo yaabkeedee, Toxob ayaan ka dambayn sagaal beri igaarki curadkiisa ahaa. Muddo yar ka dibna, waxaa xijaabtay adeer Toob. Qaraabadii meesha timid ayaa indoorah ku celceliyey, “Geeridu waa xaq, balse Ilaahow Rabiyow, noo kala dheeray.”

 

La soco Q.51aad 
   

W/Q. 
Prof. Cali Jimcaale Axmed 



Archives

Taaj Expess