| | 1,042 views

Boqor Raabi oo gacan ku-dhiigle ku tilmaamay Muuse Biixi shacabka Somaliland-na uga digay inay doortaan + Video

Boqor Raabi oo ka mid ah waxgaradka beelaha Somaliland ayaa weerarkii ugu weynaa ku qaaday Muuse Biixi oo musharax u ah xisbiga Kulmiye, waxaana boqorka oo khudbad u jeediyay boqolaal dadweyne oo isugu soo baxay salaxley u sheegay inuu yahay nin ku caan baxay hurinta dagaalada sokeeye.

Waxa uu ka digay in shacabka Somaliland ay doortaan Muuse Biixi, isagoona sheegay in haddii ay taasi dhacdo dagaallo sokeeye dalku dib ugu laabanayo, wuxuuna sheegay in jahada ay khaldameyso inay doortaan Xisbiga Kulmiye musharaxiisa xilka Madaxweynenimo.

“Aad ayaan u mahadsan tihiin haddii aad tihiin dadka Salaxley, waxaan idin leeyahay Muuse Biixi maalintaa uu buuryada heystay miyaad ilowdeen?” ayuu yiri Boqor Raabi oo ka dalbaday reer Salaxley inay doortaan musharaxa xisbiga Wadani.

Hadalka Boqor Raaboi ayaa ku soo beegmaya xilli gobolada Somaliland ay ka socdaan ololaha doorashooyinka xisbiyada u tartamaya xilka Madaxweynaha, iyadoo guddiga doorashooyinka uu ka digay in la joojiyo carqaladeynta hannaanka doorashooyinka.



Taaj Expess